Dibad-baxyo ka dhacay Magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhabe

Dibad-baxayaasha Jigjiga iyo Diridhaba
Dibad-baxayaasha Jigjiga iyo Diridhaba

Jigjiga (Aftahannews) – Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga, ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax nabadeed oo ay shucuurtooda ku muujinayeen.

Dibad-baxayaasha Jigjiga iyo Diridhaba
Dibad-baxayaasha Jigjiga iyo Diridhaba

Banaanbaxan, ayay dadku ku cabirayeen sida ay uga xun yihiin shacabkii sida xun loogu laayay Galbeedka Gobolka Sitti gaar ahaan magaalada Garbaciise.

Dadka isu soo baxay oo ka koobnaa dhammaan xaafadaha magaalada Jigjiga, ayaa watay boodhadh ay ku qornaayeen erayo ay ku muujinayeen dhacdadii foosha xumayd ee Dadka shacabka ah loogu laayay Garbaciise, iyadoo geesta kale ku dalbanayay in sharciga la horkeeno dadkii falkaas ka dambeeyay.

Dhibaatadan soo noqnoqotay ee ka jirta Galbeedka Gobolka Sitti ee DDS ayaana wali xal rasmi ah laga gaadhin, iyadoo marwalba uu meeshaas ku baaba’ayo shacab aan wax dambi ah galin.

Degaanka intiisa kale, ayaa sidan oo kale banaanbuxu uga socday galinkii hore ee maanta.

Dhinaca kale, Shacabka ku dhaqan magaalada Diridhabe, ayaa maanta isugu soo baxay barxadda wayn ee Lagaharka banaanbax ay kaga soo horjeedaan dilkii loogaystay shacabkii ku dhaqnaa Garbaciise.

Dadka isu soo baxay, ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay cadho badan iyo murugo ay ka murugoonayeen xasuuqii ay Canfartu ku laysay dadkii birmagaydada ahaa ee degganaa magaalada Garbaciise.

Dhulka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta, ayaa ah mid khilaafkiisu uu wakhti dheer Soo jiitamayay, waxaana marwalba dhibaato laxaad leh ka soo gaadhaa shacabka deggan dhulka la isku haysto.