Ingiriiska oo Xus u sameeyay Diblumaasi Reer Somaliland ah oo ka Qayb-qaatay soo afjaridda Midab-takoorkii Koonfur Afrika

London (Aftahannews) – Taxane lagu xuso Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee Magaca ku leh boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan Gobolka Wales, ayaa lagu soo qaatay nolosha Diblumaasi Asalkiisu Somaliland ahaa, kaasi oo noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay isla-markaana hoggaamiyey dedaalladii Qaramada Midoobay kula dagaalamaysay Midab-takoorkii ka jiray Dalka Koonfur Afrika.

Cabdiraxiin Caabbi Faarax, oo sannadkii 1919-kii ku dhashay deegaanka Barry ee gobolka Wales ee boqortooyada Ingiriiska isla-markaana wax ku bartay Jaamacado Oxford ka mid tahay, ayaa noqday Safiirkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya markii ay Madax-banaanida qaadatay, ka dibna waxa uu noqday ku-xigeenkii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Cabdiraxiim Caabbi Faarax, wuxuu Tobanaan sano ku bixiyey sidii uu taageero Caalami ah ugu heli lahaa soo Afjaridda Midab-takoorkii ka jiray dalka Koonfur Afrika ee lagu hayey dadka Madowga ah, isagoo hoggaaminayey hawl-galkii Qaramada Midoobay ee soo afjaridda Midab-takoorkaasi 1990-kii.

Ian Johnson oo ah Xildhibaan ka mid ah Golaha hoose ee Magaalada Plaid Cymru Barry oo ka hadlay shaqsiyaddii Cabdiraxmaan Caabbi Faarax ayaa yidhi  “Abdulrahim Abby Farah wuxuu ahaa shaqsi soo jiidasho leh oo ay tahay in si fiican looga ogaado magaalada uu ku soo barbaaray ee Barry..”

Ian Johnson waxa kale oo uu sheegay in Ambassador Cabdiraxiim Caabbi Faarax uu Aabbihii ka yimid Somaliland “Wuxuu xiiso u leeyahay, kaliya maaha sheeko u gaar ah isaga, laakiin sidoo kale ta qoyskiisa iyo aabihiis oo ka yimid Somaliland, kaasi oo door muhiim ah ka qaadanayey nolosha bulshada Barry..:”

Xildhibaan Ian Johnson wuxuu sheegay in xuskani yahay Xasuusin “..(Xuskani) waa xusuusin ku saabsan dabeecadda caalamiga ah iyo bulshada reer Welsh-Soomaali oo leh xidhiidh adag..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Wada-hadallada ku saabsan sida aan u aqoonsan karno uguna dabaaldegi karno waxqabadka qof walba ee bulshadeena ka mid ah, waxaan rajeynayaa inay kor u qaadayso muuqaalka nin wax badan ka qabtay masraxa caalamiga.”

Abdulrahim Abby Farah oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland isla-markaana 1965 illaa 1972-kii ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, isagoo hoggaamiyey Hawl-galkii Qaramada Midoobay sannadkii 1990-kii ku soo afjartay Midab-takoorkii lagu hayey Dadka Madowga ah ee Dalka Koonfur Afrika.

Alle ha u naxariistee, Abdulrahim Abby Farah waxaanu Magaalada New York ku dhintay sannadkii 2018, isagoo da’diisu tahay 98 jir.