Isbahaysiga Jar-iska-xoorka ah: Warmaha Loo Afaystay Xarunta Dhaqanka!

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAYR

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa duullaan wadar ah ku soo qaaday kooxo mayal adag. Inta ay xog/erey bawsadeen ayay sidii shaydaanka 99 ku darayaan. Diinta ay sheeganayaan waxa ay is-barbardhigtaa waxyeellada iyo waxtarka, laakiin dheef uma dhego-daloolaan’e; dhib ayay u heellan yihiin.. Sida ay wax u wadaan maaha si qallooc loo toosiyo.

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAYR

Aniga iyo inta la dhacsan xarunta dhaqankuna waxa na saaran xil ah inaanu sheegno wanaagga ay leedahay iyo daadifaynta weedhaha xajiinta leh ee lagu celcelinayo. Waxa ay noqon in la xuso gefka kuwa weerarka ah.. Yaa diyaar u ah in gaashaanka loo daruuro xagjirka? Iyaga ayaa duurka gala marka ay daydaydo dawladda ay dacwadda uga gudbinayaan saxaafaddu.

Kooxahani waxa ay hadhuudhlaha hore ugu dareen kooxaha fanka. Imakana waxa ay rabaan inay albaabbada u laabaan xarunta dhaqanka. Waa xilli lagu jiro bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo ah maalmo farxadeed oo ay leeyihiin qoraayada, hal-abuurka, akhristeyaasha iyo aqoonyahanka afka Soomaaligu baadisoocda u yahay.

Sawirkani waa Julaay 2021ka oo la furayay tababar ku saabsan qoraal-curinta toolmoon oo lagu qabtay Xarunta Dhaqanka Hargeysa.

Qalinkii: Siciid Maxamuud Gahayr