Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Kiiska Ikraan Tahliil

Ikraan Tahliil
Ikraan Tahliil

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya, ayaa magacaawday guddi loo xil saaray inay soo baadhaan kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, taasoo la waayay muddo hal bil ah ka hor.

Ikraan Tahliil
Ikraan Tahliil

Guddigan, ayaa ka kooban saddex sarkaal oo ka kala socota xafiiska xeer ilaalinta, booliska iyo nabad sugidda.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, ayaa amar ku bixiyay in taliska NISA ‘ay ka la shaqeeyaan saraakiisha magacaaban wadda kasta oo lagu gaari karo danta Cadaaladda’

“Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Maqanad Ikraan Tahliil” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha.

Ikraan Tahliil Faarax, ayaa sidoo soo noqotay agaasimaha xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay Cabdiraxmaan Yariisoow oo lagu dilay qarax.

Xog rasmi ah lagama hayo halka ay ku maqan tahay gabadhan iyo waxa ay ku sugan tahay nolol iyo geeri toona, waxaana odayaasha beesheeda ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay meel ku sheegaan islamarkaana caddaalad la siiyo.