Dad Shacab ah oo lagu Dilay Gobolka Mudug

Breaking_news-5

Mudug (Aftahannews) – Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Dhagxanya Cadde oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada degmada Galdogob ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi Xalay lagu dilay dad shacab ah.

Maleeshiyaad hubeysan, ayaa la sheegay in xalay Saqdii dhexe 2 qof oo shacab ay ku dileen hoygooda oo ku yaala deegaanka Dhagxanya Cadde mid kalana uu ku dhaawacmay.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in dilka dadka shacabka ah ay fuliyeen Maleeshiyaad ku hubeysanaa qoryaha AK-47, waxaana dilka kadib ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.

Wararka soo baxaya, ayaa sheegaya in dilka dadkan shacabka ah loo geystay xalay ay la xidhiidho aargoosi aanooyin qabiil ah, waxaana muddooyinkii dambe deegaano ka tirsan gobolka Mudug kusoo kordhayay dilalka la xadhiidha aanooyinka qabiil.

Degmada Galdogob iyo deegaanada ku dhawdhaw, ayaa saaka dhacdadaan lagu dilay dadka shacabka ahaa si weyn looga hadal hayaa, waxaana halkaasi laga dareemaya dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha xiisad ka dhalatay dadka la dilay.