Xukuumadda oo dhalliishay luuqad ay Mucaaridku kula hadleen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay, isla markaana dhalliishay hadallo ay Siyaasiyiinta la baxay Madasha Wada-tashiga iyo Xubno ka tirsan Xisbiyada UCID iyo WADDANI ay kula kaceen Oday-dhaqameedyada Beelaha Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya oo Arbacadii hore booqasho ku yimi magaalada Hargeysa oo ay weli qaarkood ku sugan yihiin.

ODAYAASHA DHAQANKA SOOMAALIYA EE HARGEYSA KU SUGAN

Waxay Xukuumaddu hadalladaa ku tilmaantay kuwo ka baxsan milgaha iyo anshaxa suubban ee lagula dhaqmo martida waddankaaga amaba gurigaaga joogta, iisla markaana dhaqan ahaan, anshax ahaan iyo Diin ahaanba aanay habboonayn in dad kuu marti ah oo masuuliyadi kaa saaran tahay dhawaaqyo eryasho Warbaahinta loo mariyo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Salaasadii (maanta) Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo isaga iyo Wefti Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo oo waddanka Ingiriiska kaga qaybgalaya Xuska 23-guurada gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka bishan May, ka ambabaxayeen, ayaa sheegay inay dadka iyo dawladda Somaliland dani ugu jirto inay Odayaasha Dhaqanka ka socda Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahaan jirtay fahmaan qaddiyadda Somaliland iyo heerka ay gooni-isu-taaggooda ka taagan yihiin Shacabka iyo dawladda Somaliland.

Wasiir Cukuse oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey aragtiyo kala duwan oo ay Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaridku ka bixiyeen, kuna tilmaameen socdaal siyaasadaysan oo qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland lid ku ah, iyagoo xusay inay Xukuumaddu soo casuuntay, isla markaana aanay Masuuliyiinta Xukuumaddu wax kulan ah la yeelannin, wax faahfaahin hufan ahna ka bixin, waxa uu ku dooday inuu ka xishoonayo erayada qaar lagula kacay Odayaashaas.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.