Ra’iisal Wasaare Rooble oo u Safray London iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

London (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u anbabaxay caasimadda London, ee dalka Britain.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Sida lagu sheegay qoraal uu soo dhigay bartiis Facebook-ga, afhayeenka xukuumadda Maxamed Macalimow, ayaa ra’iisal wasaaruhu waxa ka qayb geli doonaa shirka caalamig ah ee kor u qaadidda tayada waxbarashada carruurta.

Sida oo kale raysal wasaaraha, ayaa inta uu joogo la kulmi doona Ra’iisal Wasaaraha UK Boris Johnson, iyo masuulyiin kale.

Waa safarkii Labaad uu ugu baxay dalka dibaddiisa, waxaana uga horreeyay safarkii Jabbuti ee uu kaga qayb galay caleemosaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.