Ramla Cali oo Lagaga Adkaaday Tartankii Feedhka ee Tokyo

Tokyo (Aftahannews) – Ramla Cali oo ah gabadha Soomaaliya ku mataleysay cayaaraha feerka Olombikada ee Tokyo, ayaa lagaga adkaaday dhibco kadib markii ay is wajaheen gabadh kale oo ka socotay dalka Romania.

Ramla Cali, ayaa muujisay dadaal fiican qeybtii hore ee cayaarta, balse qeybtii dambe, ayaa laga helay dhibcaha lagaga guulaystay, sida ay sheegtay Faadumo Nuur Cali oo ah gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee guddiga Olombikada Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay oo gabadh Soomaaliya ah ay ka qeyb qaadato tartanka dhinaca feedhka ah, iyadoo matalaysa qaranka Soomaaliya

Gudoomiye ku-xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliya, ayaa sheegtay in Ramlo lagaga guulaystay nasiib, waxayna ku amaantay in ay muujisay dadaalkeedii ugu badnaa.

“Waxaan leeyahay waan dadaalnay, gari laba nin kama wada qosliso. Waan dadaalnay, waana imanay illaa iyo Tokyo. Tababar waan soo sameynay, juhdi badan waan soo galinay waxaan la harnay ma jiraan. Ummadda Soomaaliyeed  waxaan leeyahay, meesha ayaan kasii wadaynaa cayaaraha,” ayay tidhi Faadumo Nuur Nuur.”

Saddexda bisha August, Cali Iidow Xasan, ayaa Soomaaliya uga qeybgali galidoona tartanka orodada 1,500m (Kun iyo shanta boqol ee mitir).