Somalia: Dib u dhac markale ku yimid Doorashadii Aqalka Sare

Aqalka sare ee Soomaaliya
Aqalka sare ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Waxaa markale uu dib u dhac kale ku yimid doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, xilli ay maalinta berri ah ay ku beegan tahay doorashada xildhibaanada aqalka sare, sida ku qoran jadwalka doorashada ee heshiiskii june 29keedii.

Aqalka sare ee Soomaaliya
Aqalka sare ee Soomaaliya

Qorshuhu wuxuu ahaa maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 24ka July, in dowlad goboleedyadu soo gudbiyaan liiska kama dambaysta ah ee musharraxiinta aqalka sare, si ay berrito doorashadu u qabsoomto.

Guddiyadii maamuli lahaa doorashooyinka aqalka sare ee Soomaaliya, kuwaas oo ka iman lahaa barlamaanada maamul goboleedyada, ayaa weli la soo magacaabin marka laga reebo maamulka Jubbaland oo hore u soo magacaabay.

Dib u dhaca doorashada aqalka sare ee Soomaaliya waxay sidoo kale dib u sii riixaysa jadwalka guud ee doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya, ayaa hore u sheegay in jadwalkii ay soo saareen bishaan 19keedii uu yahay jadwal kama dambeys ah oo ay filayeen in aanu dib u dhac kale iman doonin.

Guddiga, ayaa dib u dhac kaste oo ku yimaada doorashada aqalka sare ee Soomaaliya sheegay in ay masuuliyaddiisa qaadanayaan dowlad goboleedyada oo iyagu leh awoodda doorashada aqalka sare.