Madaxweyne Yaad Ku Wareejisay Liisankii Af-Xumada Ee Madaxweyne Daahir Rayaale Ku Siiyay?

Ereyadii Dhaxal-galka ee Hoggaamiye, Madaxweyne, Daahir Rayaale Kaahin… Nin dood, dulqaad, dirir iyo deeq leh ayuu ahaa.. Xukuumaddiisa waxa ku jiray wasiirro xul ah oo aan beelnimo ku iman. Waxa la-yaab ah in aanu Madaxwene Axmed weli wareejin liisankii af-xumada ee uu siiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Saxeexa-Madaxweynaha

 
Kelmadihii dhaxal-galka ahaa ee laga reebay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB waxa ka mid ahaa:1. Siilaanyo waxan siiyay liisanka Af-xumada.
2. Maalin keliya Madaxweyne imaad odhan, anigu laga bilaabo maanta oo aan xilka kugu wareejiyay waxa aan ku leeyahay Madaxweyne.
3. Ma rabo in aan talada iyo tusaalaha toos u mariyo saxaafadda. Qaranka ayaan xeerinayaa, sidii KULMIYE uma caytami doono.
4. Soomaaliya caqli uma baahna, ciidan ayay u baahan tahay.
5. Samaale waxa aan leeyahay waxa la yidhi “wadaad ayaad ahaan jirtay”. Sheekhow dib ugu noqo kutubtii!
6. Waxa aan kugu wareejinayaa dal iyo dad midaysan.
7. Somaliland cid u talisa ayay u baahan tahay, uma baahna abtirin iyo qabyaalad.
9. Ma noqonayo nin gacantiisa ku dumiya wixii uu dhisay.
10. DULMIYE ayaa ka dambeeya abaabulka dhallinyaradii lagu wacyi-geliyay in ay mudaharaadaan. Waan ka xumahay geeridooda.
11. Waxa aan salaan u dirayaa Mujaahidiinta SNM ee la xusayo halgankii ay ku xoreeyeen Somalialnd..
13. Laascaanood waa dhul Somaliland ah, ma doonayo in la yidhaahdo waxa ku dagaallay ilaalo ila socota. Dulqaata, oo inaga saara, xeelad iyo abaabul kale ayaynu ku qabsan doonnaa.
14. Doorasho ayaan ku imi, codka dadkana waan ku degayaa.
15 Aniga reer ima dooran. Bulshada Somaliland ee Lawyacaddo illaa Laascaanood deggan ayaa i boqortay
16. Haddii aan olole xooggan galo oo aan dib u helo doorashada 2010ka qorshaysan waxa aan ka baqayaa in ay ku qanci waayaan mucaaridku sidaas darteed ha helaan kuwa harraadani. Masuuliyaddu waa xil culus, waxa aan ka nasayayaa eed iyo af-legaaddo!
17. Ma oggoli in Somallland ka qayb-gasho shirarka Soomaaliya khuseeya. Cidda aadaysa shirka Landhan ayaa guul iyo guul-darraba ka masuul. Somaliland waa qaran xor ah!

 
La soco haddii Alle idmo
Siciid Maxamuud Gahayr.