Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Dhaariyay Xubin Buuxinaysa Jago ka bannaanaatay Gollaha Guurtida

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta waxaa uu dhaariyay Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland.

Masuulkan maanta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dhaariyay, ayaa buuxinaya jago uu dhawaan banneeyay Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil oo gollaha Guurtida ka tirsanaa.

Golaha Guurtida, ayaa maxkamadda sare u soo gudbiysay codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Cabdirashiid Xaashi Cabdi oo 30 maalmood ka yar ka tirsanaa Gollaha Guurtida, ayaa iscasilaad u soo gudbiyay gollaha Guurtida, iyadoona ilaa iyo hada aan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambeysa iscasilaaddiisa.

Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa 10-kii June 2021 xildhibaanimada Golaha Guurtida u dhaarisay Cabdirashiid Xaashi Cabdi kaddib markii uu geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo walaalkii ahaa.

Is-casilaada Xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi, ayaa noqonaysa markii u horeysay ee Goleyaasha Sharci-dejinta dalka uu is-casilo mudane wakhti kooban ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland.