“Dumaashi Dagaalka nala soo gal” Axmed Macallin Fiqi, oo u jawaabay Ilhaan Cumar

Axmed Macallin Fiqi
Axmed Macallin Fiqi

Gaalkacyo (Aftahnnews)- Wasiirka amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ugu jawaabay Ihaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress) oo maamulka Biden ka dalbatay qiil u helida duqeyntii Salaasadii ay ka geysteen Soomaaliya, taas oo maamulka ku andacooday in lala beegsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Axmed Macallin Fiqi
Axmed Macallin Fiqi

Wasiir Fiqi, ayaa sheegay inay haboontahay in xildhibaan Ilhan ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada A-shabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed waa sida uu qoraalkiisa u dhigaye.

“Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Al-shabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Al-shabaab wax ku dili karo oo aan iyaga lagu dili karin!” Ayuu sidoo kale ku yidhi qoraalkiisa.

Wasiirka, ayaa sidoo kale Ilhan Cumar ka dalbaday inay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab kula soo biirto wuxuuna yidhi ” Dumaashi dagaalka nala soo gal”.