Xildhibaan loo dhaariyey Boos Mudanihii fadhiyey dil toogasho ah lagu xukumay

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed Cali Faarax (Af-qallooc), ayaa maanta Maxkamada gobolka Hargeysa ugu dhaarisay inuu ka mid noqdo Mudanayaasha golaha deegaanka Caasimadda, kaasoo ay Guddiga doorashadu Somaliland soo caddeeyey inuu yahay Musharraxiii sharci ahaan ugu soo codka xigay Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo xilkaas iska casilay, ka dib markii ay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

Siciid AfqalloocXildhibaankan cusub oo buuxiyey kursigii uu iska casilay dhawaan Xildhibaan hore Mustafe Cismaan Daahir oo uu ku dhacay xukun dil ah, ka dib markii uu isagu hore qof shacab ah u dilay muddo hadda sannad laga joog, iyadoo labada Xubnood ee  is-beddelay hore uga wada tirsanaayeen Urur-siyaasadeedkii UMMADDA ee ku hadhay doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay sannadkii 2012-kii.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Faysal Cabdillaahi (Dhego-dhego) oo isagu xafiiskiisa ku dhaariyey xildhibaanka, waxaanna Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed uu sheegay inuu ku faraxsanahay xilka uu qabtay.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo xildhibaanada Golaha deeganka Hargeysa  oo aan hore ugu tartamay, kursiguna wuxuu yimaadaa marka Ilaahay qadaro, waxaanan ballanqaadayaa inaan xaqiijiyo  hadafka dadkii i doortay.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed (Af-qallooc) oo warbaahinta la hadlay kadib markii la dhaariyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.