Cabdiwali Gaas oo qoomammaynaya go’aankuu ku noqday Madaxweynaha Puntland

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa sheegay inuu mararka qaar walaac ka muujiyo, isla markaana qoomammeeyo sax ahaanshaha go’aankii uu Kursiga Madaxweynaha ku fadhiistay, marka loo eego dhibaatada baaxadda leh iyo burburka aanu ka war hayn ee ka jira gudaha Puntland.

Cabdiweli Gaas oo wareysi gaar ah telefishanka Puntland la yeeshay ayaa sheegay inaanu wax badan ka sheegi karin Telefishanka, balse marmar ku fikiro in go’aankiisii tartanka Madaxnimada Puntland ku saxsanaa iyo inkale. Mar la weydiiyey jiritaanka caqabado aanu hore u filayn xilligii doorashada oo ku soo baxay markuu Madaxtinnimada Puntland ku guulaysatay iyo waxa ka mid ah ayuu Cabdiweli Gaas sheegay in baahida ka jirta Puntland iyo burburka hoos ahaan ka jira baaxadiisa ka weyn yahay intuu filayey.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, waxa uu sheegay inay deegaannada Sool, Sanaag, iyo Cayn sharci iyo dastuur kaga mid yihiin Maamul-goboleedka Puntland, isla markaana ay khasab ku tahay dib u hanashadoodu maaddaama oo uu u dhaartay Puntland inuu sharciga iyo dastuurka u yaal ku hagayo.

Haddaba, waraysigaas oo aad u dheer, isla markaana dhinacyo badan taabanaya ka daawo halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.