Madaxweyne Afrikaan ah oo Dil ka badbaaday iyo Sababta

Madaxweynaha Madagascar 2021 oo Dil ka badbaaday
Madaxweynaha Madagascar 2021 oo Dil ka badbaaday
ANTANANARIVO  (aftahannews):- Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, islamarkaana ay xireen dhowr tuhmane oo “Ajaaniib iyo Malagasi ah.”
Madaxweynaha Madagascar 2021 oo Dil ka badbaaday
Madaxweynaha Madagascar 2021 oo Dil ka badbaaday

Laba qof oo Faransiis ah ayaa ka mid ah dhowr qof oo Talaadadii lagu xiray jasiiraddan ku taalla Badweynte India, “taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan waxyeeleynta amniga dalka,” sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed.

“Dhowr qof oo ah ajaaniib iyo kuwa u dashay Madagascar, ayaa la xiray Talaadadii July 20, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayey weerar ka dhan ah amniga qaranka,” waxaa sidaas bayaan ay xalay soo saartay ku tiri dacwad-oogaha guud ee dalka Berthine Razafiarivony.

“Marxaladda iminka ee baaritaanka oo weli socda, dacwad-oogaha guud wuxuu xaqiijinayaa inaan tooshka ku ifin doonno kiiskan,” ayey tiri.

Intii lagu guda jiray dabaal-degga maalinta xoriyadda ee June 26, militariga ayaa ku dhowaaqay inay fashiliyeen isku day lagu khaarijin lahaa madaxooda, oo sidoo kale ah gacan-yaraha madaxweynaha Jeneral Richard Ravalomanana.

Xigasho AP iyo VOA.