Madaxweyne Biixi oo Ku Baaqay in Dagaal lala galo Maan-dooriyaha

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ciidal-adxa 2021
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ciidal-adxa 2021

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Adxaha.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ciidal-adxa 2021
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ciidal-adxa 2021

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, ayaa kumanaan kamid ah shacabka caasimadda Hargeysa salaadda ciidal Adxaha kula tukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka.

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Ciidal Adxaha si guud ugu duceeyey ummadda muslimiinta ah, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland, isaga oo ka digay Aafada noocyada kala duwan ee mukhaadaraadka oo caqliga bulshada saamayn xun ku yeelanaya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Walaallayaal diinta, dawladda, qoyska iyo baayac-mushtarkaba waxa ilaaliyaa waa caqliga, waxana innagu soo batay fasahaad caqligii xumaynaya, haddii ummaddii caqligii laga xumeeyana, diintii, dalkii, Aakhiradii iyo adduunkiiba wuu xumaanayaa. Walaallayaal waxa inagu soo batay wax Mukhaadaraad la yidhaahdo oo khamri leh, xashiishad leh oo kiniin leh oo qofkii iyo mujtamiciiba si weyn ugu fasahaadayaan.”

Madaxweynuhu waxa uu shacabka u diray farriin la xidhiidha inay gacmaha isu qabsadaan sidii dagaal wada-jir ah loogu qaadi lahaa mukhaadaraadka da’yarta dhibaatada ku haya ee mustaqbalkooda dilaya,“Muwaaddiniinta Somaliland iyo inta Somaliland jecelba waxan ku waaninayaa in dagaalka mukhaadaraadka la wada galo, wuuna ka weyn yahay in gaar ahi gasho, maalin walbana waxaynu aragnaa maxkamadi xukuntay waanu sii badanayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.