Wasaaradda Waxbarashada JSL oo lagu eedeeyay Masuuliyadda Calanka Soomaaliya ee Dalka lagu Arko

Hargeysa (aftahannews)- Prof: Siciid Sheekeeye oo ka mid ah Aqoonyahanka Somaliland, ayaa soo bandhigay gal-daloolooyin badan oo ka jira nidaamka maamul ee Waxbarasahada dalka oo uu tilmaamay inaanay gacanta ugu jirin Wasaaradda Waxbarasahada oo qaranka u xil-saaran.

Waxa uu Prof Sheekeeye tusaale u soo qaatay dugsiyada waxbarashada barbaarinta Carruurta ee gaarka loo leeyahay oo uu sheegay inay macalimiin ka yihiin Dad Ajaanib ah oo aan haysan diinta Islaamka, taasina ay sababayso inay wax badan iska beddelaan dhaqanka suubban iyo barbaarinta ubadka yar-yar ee wax ka barta dugsiyadaas.

Waxa uu dhaliilay siyaasadda maamul ee wasaaradda Tacliintu ku hoggaamiso Waxbarashada Dalka, isagoo xusay inaanu jirin qorshe qeexan oo loo dejiyey Waxbarashada Gaarka loo leeyahay iyo ta dowliga ahba, isagoo iftiimiyey dayac badan oo ku jira Manhajka waxbarasho ee dalka.

Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij maqal iyo muuqaal ah oo Prof Sheekeeye kaga hadlay arrimo badan oo taabanaya Adeegyada Bulshada iyo xaaladda Siyaasadeed ee xilligan dalku ku sugan yahay.