Guddoomiyaha Ururka SOMA oo Ku Bogaadiyay Bahda Saxaafadda Online-ka Munaasibada Ciidal-Adxada

SOMA LOGO
SOMA LOGO

“Bahda Saxaafadda Online-ka Somaliland ee SOMA Waxaan u rajeynayaa inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo..” Gudoomiye #Mustafe_Janaale

Hargeysa(aftahannews)- Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA), Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe-Janaale) ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibad-ba iyo umadda Islaamka meel ay joogaanba ku hambalyeeyay,munaasibadda Ciida Barakaysan ee Ciidal Adxada awgeed oo ku asteysan maalinta beri oo Salaasa taariikhduna tahay 20.7.2021.

Mustafe-Janaale Guddoomiyaha Ururka SOMA
Mustafe-Janaale Guddoomiyaha Ururka SOMA

SOMA LOGO

Guddoomiye Mustafe-Janaale, isagoo Bahda Saxaafadda Online-ka la wadaagaya farxadda ciidda waxa uu ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, innagana uu naarta innagga xorreeyo.

“Waxaan Shacabka reer Somaliland iyo Bahda Saxaafadda Online-ka Somaliland ee SOMA u rajeynayaa inay sannadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabadgelyo iyo horumar lagu badhaadho”.Ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe-jannaale.

Guddoomiyuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awegeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanu ILAAHAY uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.

“Waxaan ugu duceynayaa Bahda Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (#SOMA), inuu ILAAHAY ciidan ciideeda innagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo horumar waara…waxaan ugu baaqayaa bahda Saxaafadda Somaliland inay isa-saamaxaan isla markaana u midoobaan horumarka…”.Ayuu yidhi Mustafe-janaale.
“CIID MUBAARAK … CIID MUBAARAK ….. CIID MUBAARAK…… “KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR”

https://www.facebook.com/somaorgonline

https://twitter.com/Somaorgonline

Email: somajournalism@gmail.com

#Ururka_SOMA