Somaliland: Xarunta Xuquuqal Insaanka oo Baaq ka soo saartay Dad Calanka Soomaaliya u Xidhan

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland
Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland, ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqday in ay siidayso 42 qof, oo magaalada Boorama loogu xidhay in ay qaateen calanka Soomaaliya 26 Juun.

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland
Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland

Xarunta, ayaa sheegtay in dadkan oo ku kala xidhan magaalooyinka Boorama iyo Gabiley aan wax maxkamad ah la horgayn ilaa iyo hada, isla markaana loo diiday eheladoodu in ay booqdaan.

Xarunta xuquuqal insaanka, ayaa sharci daro ku tilmaantaay xadhiga dhalinyaradan “Dhamaan dadka xidhani waxay wajahayaan xadhig sharci daro ah. Dowladu waxay ku xad gudubtay mabaadiida dastuuriga ah ee damaanad qaadaya xoriyaad ka aasaasiga ah ee muwadiniinta”.

Dhalinyarada xukuumada Somaliland u xidhay calanka Soomaaliya, oo tiradoodu dhantahay 42 qof ayaa 7 kamid ahi ku xidhanyihiin Boorama halka 35 kale ku xidhanyihiin Gabiley.