Guddiga Dhaqaalaha ee Gollaha Guurtida oo Kulan la yeeshay Wasiirka Beeraha

Wasiirka Beeraha Somaliland iyo Guddiga Dhaqaalaha ee Gollaha Guurtida
Wasiirka Beeraha Somaliland iyo Guddiga Dhaqaalaha ee Gollaha Guurtida
Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta xafiiskiisa Hargeysa kulan kula yeeshay guddiga dhaqaalaha ee golaha Guurtida.
Wasiirka Beeraha Somaliland iyo Guddiga Dhaqaalaha ee Gollaha Guurtida
Wasiirka Beeraha Somaliland iyo Guddiga Dhaqaalaha ee Gollaha Guurtida
Xubnaha Guddiga dhaqaalaha ee golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo wasiirka Beeraha xafiiskiisa ku soo booqday, ayaa ka waraystay dhibaatada uu Ayaxu ku hayo wax soo-saarka Beeraha dalka.
Wasiir Axmed Muumin Seed, ayaa guddiga War-bixin Faahfaahsan ka siiyey Dedaalka Wasaaradda Beeruhu ugu jirto ka hor-tagga Ayaxa oo si joogta ah Weerar ugu haya Beeralayda dalka.
Wasiirku wuxuu Guddiga u sheegay in Wasaaraddu muddo dheer ka shaqaynaysay la dagaalanka Ayaxa, imikana ay sii waddo iyadoo adeegsanaysa Gaadiid tiro badan, Diyaaradaha Qumaatiga u ah iyo hawl-wadeeno u tababbaran buufinta Ayaxa oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Horuarinta Beeraha.
Wasiirku, sidoo kale wuxuu Guddiga si hufan ugaga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen oo la xidhiidha Masuuliyadda uu Qaranka u hayo, gaar ahaan dhinaca Horumarinta Beeraha.
Ugu dambayn, Wasiirka waxa kulanka uu la yeeshay Guddiga ka socotay Guurtida ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda bedbaadada Beeraha iyo Xubin ka mid ah Khuburrada Wasaaradda Beeraha Somaliland.