Xisbiyadda Mucaaradka ee Waddani iyo UCID oo Masuuliyiin Caydhiyay, Kuwa Cusubna Magaacabay

Xisbiyada Ucid iyo Waddani
Xisbiyada Ucid iyo Waddani

Hargeysa (Aftahannews)- Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa waxaa ay caydhiyeen masuuliyiin ka tirsanaa labadaasi xisbi.

Xisbiyada Ucid iyo Waddani
Xisbiyada Ucid iyo Waddani

Sidoo kale, Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa magacaabay masuuliyiin cusub kuwaasi oo lagu bedelay masuuliyiin Xisbiyadaa laga caydhiyey.

Xisbiga Waddani, ayaa Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan u magacaabey Agaasimaha Xarunta Dhexe ee xisbiga Waddani, iyadoo xilkan uu horey u hayay Xildhibaan Jamaal Diiriye oo isna horey u sheegay in uu han leeyahay ka dib xilka laga qaaday.

Dhinaca kale, Xisbiga UCID, ayaa Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir u magacaabey ku xigeenka xoghayaha guud ka dib markii xilkaa laga qaadey Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo hore u sheegay in uu han leeyahay ka dibna isbahaysi la yeeshay Xisbiga Kulmiye.