Safarka Wasiir Xagla-toosiye ee Buuhoodle iyo Sool muxuu kaga duwanyahay masuulliyiinta kale?

Hargeysa-(Aftahannews)-Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare), ayaa naqdiyay safarkii wasirika Caafimaadka Somalilad Wasiir Saleebaan Ciise (Xagla Toosiye) ayaa ku sifeeyay mid taariikhda u galay oo uu kaga duwanyahay masuulliyiinta kale eek a soo jeeda Gobolkaas.

Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare oo ah Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa sidaa ku sheegay war-murtiyeed kooban oo uu ka soo saaray Hargeysa, kaasoo uu is-barbar dhig ku sammeeyay masuulliyiintii kala duwanayd ee xilka ka soo qabatay Somaliland ee k a soo jeeda Sool iyo Buuhoodle iyo Wasiir Xa-toosiye.

War-murtiyeedkaas waxa uu u dhignaa sidan; “Safarkii Wasiir Xagla-toosiye ee Buuhoodle muxuu kaga duwanyahay safarrada ma dhalayska ah ee masuulliyiintii ka soo jeeday Sool iyo Buuhoodle ee u kala dambeeyay xilalka?

XAGLATOOSIYE

Wasiri Xagla-toosiye oo aan ku tilmaamayo masuul geesinimmo iyoku dhiirashoba leh, wuxuu todobaadkii tegay ku dhaqaaaqay tallaabo ka nixisay nabad-diidka iyo siyaasiyiinta dibed-wareegga ah ee magaca iyo mansabka ku raadsanaya shacabka Boohoodle, ka dib markii uu kaga dhabeeyay ballanqaadkiisii uu hore ugu sammeeyay deegaankaas inuu waxqabad iyo horumar ka hirgelinayo, waxaannu gaadhsiiyay mucaawimmadii ugu horraysay oo uu ka mid yahay gaadhi Ambalaas ah iyo dhagax-dhigga dhismaha machadka caafimaadka gobolka Sool, kaas oo laga dhisayo magaalada xarunta ah ee Laascaanood oo dub u soo noolaysay rajada shacabka ee wax-ka-qabashada kaabayaasha arrimaha bulshada.

Cali Khaliid Galaydh oo ka masayray waxqabadka Wasiirka iyo heshiiska dhexmaray Somalilad iyo Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ayaa weedho cunfi, cunsuriyad iyo catow kula dhexdhacay bulshada jilicsan ee uu markasta ku gubaabiyo colaad inay kalal hor tagaan Somaliland.

Waxa xusid mudan in Wasiir Xagla-toosiye oo aan kelmad ka odhan Hargeysa gudaheedu, ugu jawaabay Cali Khaliif goobtii munaasibka ku ahayd ee Buuhoodle badhtankeeda.

Safarka Xagla-toosiye ee Buuhoodle iyo Sool  waa mid taariikhda ugu suntan, xukuumadda Somaliland iyo Wasiirka oo ay ka go’antahay waxqabadka Gobollada Sool iyo Sanaag inay halkaas ka sii wadaan oo dhammaystiraan tabashooyinka siyaasadeed iyo kuwa bulsheed ee gobolladaas.”