Maxay ka Wadahadleen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka?

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulamo gooni-gooni ah la yeeshey qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, xili lagu gudo jiro u diyaar garowga doorashooyinka Soomaaliya.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka

Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen, oo ay ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka.

Rooble, ayaa uga warbixiyey Nicolas iyo Heidi halka ay marayaan dadaalada doorashooyinka Soomaaliya, oo qaarkood la filayo inay qabsooman dhamaadka bisha aan ku jirno ee July.

Safiirada, ayaa iyaguna dhankooda uga mahad-celiyay Ra’iisal wasaaraha dadaalkiisa ku aadan sidii Soomaaliya uga qabsoomi laheyd doorasho wada-ogol, oo uu isagu hormuud u yahay.

Kulanka Rooble ee Safiirada Midowga Yurub iyo Norway, ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha ay xukuumadiisa si dhow ugala socod-siineyso Beesha Caalamka arrimaha doorashooyinka, maadama ay yihiin dhinacyada u badan ee bixinaya qarashaadka doorashooyinka.