Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Sagootiyay Ciidamo loo dirayo Gobolka Tigray

Addis Ababa (Aftahannews)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska.

Waxaa sidoo kale munaasibada sagootinta ciidamadan goobjoog ka ahaa Madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo, Maxammed Shaalle, cuqaal iyo odayaal dhaqameedka Deegaanka Soomaalida.

Ciidamada, ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF.