Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Heshiiska qaar kamida Xildhibaannada UCID la galeen Xisbiga Kulmiye

Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo waraysi siiyay BBC, ayaa sheegay in xildhibaanada UCID ee Kulmiye la heshiiyay ay sharci jabin sameeyeen.

Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe

Faysal ayaa sheegay in isaga oo kali ahi leeyahay awooda uu cid kula heshiin karo.

“Heshiis kaasi waa heshiis aan sharci ahayn, waxa heshiis gali kara uun madaxda xisbiga khaasatan guddoomiyaha” ayuu yidhi.

Faysal ayaa sheegay in xildhibaanada la heshiiyay xisbiga Kulmiye ay xildhibaan nimadoodu khatar ku jirto.

“Xildhibaannimadooda ayay khatar galinayaan, sharcigu wuxu sheegayaa in xildhibaankii jabiga shuruucdi lagu soo doortay uu kursiga banaynayo” ayuu yidhi.

“Musharax kastana horey ayaanu uga saxeexnay, marka heshiiskaasi waa wax aan waxba ka jirin” ayuu hadalkiisa ku daray.

Faysal ayaa sheegay in ay xildhibaanada Kulmiye taageeray ay kursiga waayi doonaan hadii ay u codeeyaan musharaxa shirgudoonka Kulmiye u sharaxay.

“Markay xildhibaanka Kulmiye u codeeyaan, ayaanu talaabo ka qaadi doona kursigana way waayi doonaan” ayuu yidhi.

Faysal ayaa sheegay in sidi uu awooda ugu laha in uu sharaxo musharixiinta uu awood ugu leeyahay in iyaga oo xildhibaano ah xilka ka qaado.

Xildhibaano uu hogaaminayo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo katirsan UCID ayaa shalay sheegay in ay isbahaysi cusub la samaysteen xisbiga Kulmiye.