TPLF oo Sheegatay in ay sii Deysay Kun Askari

Addis Ababa (Aftahannews)- Hoggaanka TPLF ee gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, ayaa sheegay in ay sii daayeen ilaa kun askari oo ay ku qabsadeen dagaalkii gobolka.

Debretsion Gebremichael, oo ah hoggaamiyaha TPLF, ayaa gelinkii danbe ee Jimcihii u sheegay Reuters in kun askari oo ah kuwa ay darajadoodu hooseyso ay sii daayeen.

“In ka badan 5,000 oo askari ayaan wali haynaa, waanna sii hayn doonaa saraakiisha sarsare si loo maxkamadeeyo,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in ciidanka la sii daayay loo kexeeyay dhinaca xuduudda koonfureed ee gobolka Tigray uu la leeyahay gobolka Amhara Jimcihii, laakin ma aanu xusin cidda la wareegtay askarta iyo sida sii dayntooda lagaga wada xaajooday.

Reuters, ayaa warisay in ayna xaqiijin karin sheegashadan. Afhayeenka militariga, ayaa sheegay in aanu diyaar u aheyn inuu hadlo, halka afhayeenka maamulka gobolka Amhara uu sheegay in ayna jirin war uu hayo oo ku aaddan sii deynta.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa toddobaadkan sheegay in la iska caabin doono khatar kasta oo ka timaadda TPLF, wuxuuna dib uga gurtay xabbad joojin hal dhinac aheyd.

Gobolka Amhara iyo saddex gobol oo kale, ayaa sheegay in ay diyaarinayaan ciidan kuwa dowladda federaalka ka caawiya dagaalka ka dhanka ah TPLF.

REUTERS