Ku Haboonaan Shaha Sharci ee Shir-gudoonka Golaha Wakiillada JSL (XIL. CABDIRISAQ KHALIIF)

Khaalid Cali Axmed
Khaalid Cali Axmed

Hordhac:

Khaalid Cali Axmed
Khaalid Cali Axmed

Inta aanan qoralkayga guda galin waxaan halkan kuugu cadaynayaa akhriste in aanan ka mid ahayn sadexda xisbi qaran ee JSL kuna qanacsanayn hab maamulkooda hada jira. Waxaan idiin soo gudbinayaa waa aragtidayda shaqsiga ah anigoo ka duulaya baahida balaadhan ee haysata bulshadeena JSL.

MAXAY TAHAY SHAQADA GOLAHA SHACABKU:

Anigoo tixraacaya xeer hoosaadka golaha wakiilada 01/2006 qodobkiisa 3aad farqadiisa 1aad, 4aad 5aad oo udhigan sidan hoos ku xusan. 1. Goluhu waxa uu u xilsaaranyahay Dejinta, hubinta, dhawrista sharciyada dalka iyo la xisaabtanka xukuumada iyo haayadaheeda.

Hadaba waxaa is waydiin mudan hadii xisbul xaakimku ku guulaysto shirgudoonka sidee loo helikaraa isla xisaabtan ka dhexeeya labada waaxood ee fulinta iyo sharci dajinta? Fikirkayga waxaan qabaa in ay haboontay in la helo shirgudoon mucaarada si loo fuliyo qodobkaa sare ku xusan. 2. Qodobka 4aad: ansixinta miisaaniyad sanadeedka iyo xisaab xidhka sanadlaha ah. Ilaha dakhliga ee dawladu waa sidan soo socota. a) Cashuurta laga qaado muwaadiniinta ( tax revenue ) b) Deeq lacageed ( public donations ) c) Dayn ( public debt ) Muwaadin si loo ilaaliyo hantida aad u bixiso cashuurta waxaa muhiima in la helo gole shacab oo la xisabtama xukuumada qaybteeda fulinta.

Waxaa aynu la soconaa in miisaaniyadihii hore ee dalka soo maray lagu ansixin jiray duuduub taasina waxaa masuul buuxa ka ahaa habacsanaanta ka muuqatay shirgudoonkii hore iyo golihii hore. Waxa filashada shacabku yahay hadii shirgudoon daacadi yimaado in loo ilaalin doono hantidooda, lagulana xisaabtami doono waaxda fulinta dawlada. 3. Qodobka 5aad: ansixinta ama diidmada golaha wasiirada, ku xigeenada iyo madaxda kale ee qaranka.

Akhriste ogow qofkasta oo umada xil u hayaa waa adeege bulsho hadii ay hore u dhici wayday in qof hore loo tijaabiyay oo ku fashilmay u adeegida bulshada golayaashii hore soo celin waayeen filashada shacabku waa in golahani noqdo mid kala haadiya kolba cida ay waaxda fulintu soo cugato, taasina waxay ku xidhantay in la helo shirgudoon mucaarida.

Hadaba muwaadin hadii aynu intaa ku dhaafno waajibaadkooda iyo filashada shacabka waxa kale oo aynu ka rajaynaynaa shir gudoonka fulinta iyo daba galka xeerka ka hortaga ku tagrifalka hantida qaranka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa xeer Lr 38/2007. Suaasha muwaadin kuutaalaa waa ma shirgudoon muxaafida ayaa ka shaqaysiinkara mise shirgudoon mucaarida waa adiga iyo garashadaa? Soo jeedintayda ku socota golaha cusub ee shacabku doorteen.

1. Rajadii iyo yididiiladii shacabku waxay ku jirtaa gacmihiina, waxaa idin dhawraya danyar dulman oo doonaya bari maanta u dhaami doonta, fadlan ugu adeega daacad nimo iyo hab ka duwan habkii hore.

2. Niyada galiya kuna shaqo tag subax kasta in aad tihiin dhadhaar ka ugu muhiimsan dawlad nimada oo looga fadhiyo la xisaabtanka waaxda fulinta dawlada.

3. Waxaad isku doorataan yaa waxqabankara laakiin ha isku dooranina in laydiin yeedhiyo

Lasoco…..

Mr. Khaalid Cali Axmed