Dagaal xooggan oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Balad-Xaawo

Balad-Xaawo (Aftahannews):- Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay in ku dhow 10 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii maanta dagaal xooggan uu laba kooxood ku dhexmaray degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa VOA uga warramay dagaalkan, isagoo sheegay in dagaalku uu qarxay kadib markii maleeshiyo taabacsan guddoomiyihii hore ee degmada Doolow ay soo weerareen barta koontarool ee laga soo galo degmada Balad-xaawo.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal toddobaadkii hore ka dhacay isla degmadan Balad-Xaawo, inkasta oo aanay weli jirin warar intaa ka badan oo laga hayo dhinacyada dagaalku dhex-maray.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.