Kulan lagu Taageerayay Sharciga Fududeynta Xawaaladaha oo lagu qabtay MINNEAPOLIS

Minneapolis(Aftahannews):-Kulan lagu taageerayay sharciga fududeynta xawaaladaha Soomaaliya oo ay ka soo qeyb galeen Congressman Keith Ellison iyo Jilaaga Soomaaliyeed ee Barqad Cabdi, ayaa maanta ka dhacay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.
20145136353556193101628797
201451363535562095966555613 20145136353556201152253126 20145136353556202244523945 201451363535562071605298510 201451363535562082653027511 201451363535561865160016712 20145136353556190601435212 20145136353556203399300959 20145136353556188877864133 20145136353556187419939021 20145136353556192120302748 20145136353556193101628797

Kulankan waxaa si wada jir ah u soo qaban-qaabiyay Xaafiiska Keith Ellison, Hey’adda ADESO, Oxfam iyo ururka Xawaadleyda Mareyka, waxaana sidoo kale looga wada tashay sidoo cod buuxda loogu taageri lahaa in Senate Mareykanka uu saxiixo sharciga muhiimka ah, si ay u fududaato nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, isla markaana ay Bangiyada Mareykanka dib u furan adeeggii xawaaladaha Soomaaliya.

“Haddii ay xirmaan Xawaaladuhu waxaa imaan karaa musiibo weyn oo bini’aadanimo, sidaa daraadeed waa inaan si wada jir ah uga shaqeyno meel marinta sharcigan, waayo haddii aan sharcigan la meel marin waxaa imaan kara musiibo la mid ah abaaraha” ayuu yiri Keith Ellison oo ah qoraaga sharcigan.

Keith oo booqosho ku tagay dalka Soomaaliya sanadkii hore  ayaa ka sheekeyay wixii uu ku soo arkay, wuxuuna xusay in wadanka Soomaaliya uu aad u qorxoonayahay, laakiin ay dagaallo bur-buriyeen.

Jilaaga Barqad Cabdi ayaa sheegay inuu gacan weyn ka geysan doono sidoo aqalka sare ee Senate mareykanka looga dhaadhicin lahaa saxiixa sharcigan wax tarka u leh dadka  Soomaaliyeed meel kasta oo ah joogaan.

“Waagii aan yaraa waxaan xasuustaa xilligii aan joognay dalka Yemen qaraabadeena oo lacag aan ku noolaanno noogu soo dirta xawaalaha” ayuu yiri Barqad Cabdi oo xiran funaanadda ADESO oo ah hey’ad u dagaallanta Xawaalahada Soomaaliyeed.

 “Xawaaladuhu waxay dadka SOomaaliyeed u yihiin nolol” ayuu Barqad sii raaciyay.

Adan Xasan oo u hadlay Xawilaadlayda Soomaaliyeed ayaa Tusaaleeyay dhibka ay u maraan in hada lacago u loo diro dalka,  kaddib markii bangiyadii waaweeynaa ee gobolkan Minnesota ay xili hore joojiyeen la shaqeenta xafiisyadooda ama adeegooda.

Waxaa kale oo iyaguna ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen Cabdi Warsame oo ka tirsan dowladda hoose ee magaaladda Minneapolis, Kristen Torahe oo ka tirsan wasaaradda lacagta Mareykanka oo sharraxday sharciyada lacagaha dalkan iyo Khadro Cabdisamad oo ka Tirsan Idaacada Codka Bulshada ee SPR.

Sharcigan waxaa todobaadkii hore ansixiyay aqalka Congress Mareykanka, waxaana loo gudbin doonaa aqalka kale ee Senate ka, iyadoo haddii ay ansixiyaan uu saxiixi doono madaxweynha Mareykanka Barack Obama, wuxuuna markaa sahli doonaa wada shaqeyn dhex marta Bangiyada Mareykanka iyo xawaaladaha Soomaalida.

Xigasho Hiiraan.com.