Nuxurka qoraal Aqoonyahanka Awdal ee Maraykanku ay Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhsiyeen

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kula kulmay Aqoonyahan ka tirsan Jaaliyadda reer Somaliland ee u dhashay gobolka Awdal ee ku dhaqan Waqooyiga waddanka Maraykanka, kuwaasoo qoraal soo gaadhsiiyey Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.

IMG_0014-1 IMG_0016 IMG_0009 IMG_0020

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed galabta ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, iyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ayaa Xafiiska Madaxweynaha kula kulmay Aqoon-yahanka iyo wax garadka gobolka Awdal  ee degan waqooyiga maraykanka ayaa qoraal ay soo gaaadhsiiyeen  madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka, waxay ugu hambalyeeyeen horumarka  ay ka saameeyeen dhinac walba kuna talaabsadeen muddadii  ay xilka qaranka hogaaminayeen.

Waxay sheegeen  waxqabadkaasi inuu yahay  mid  dhab ahaan ugu hiilinaya   hiigsiga  qaran iyo ka midho dhalinta  u jeedooyinka  sii adkaynaya  gaadhida yool  dhamaystiran oo miisaanka  qarankeenu  bulshada caalamka ku leeyahay  sii xoojinaya .

run ahaantii   hadaanu nahay  aqoon yahanka  iyo wax garadka  gobolka awdal  ee degan  waqooyiga maraykanka, waxaanu si dhow ula  soconaa  talaabooyinka is daba jooga ah  ee dhinaca horumarka u socda  ee xukumad ahaan aad qaadeen,  waxaanu aad ugu farax sanahay in horukacaasi uu Raad ku yeeshay siyaasada arrimaha dibada iyo tan gudahaba,  waxaana xusid mudan  isbadaladaasi in  ay  yihiin  qaar  taabtay   bulshada reer Somaliland oo dhan,  kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin wadooyinka, waxbarashada,  caafimaadka  amniga gudaha arrimaha dibada, miisaaniyada  iyo waliba  qaar kaloo badani.

Waxaanay ku bogaadiyeen socdaalkii dheeraa ee xeebaha uu ku soo maray madaxawaynuhu kuna dhiiri gelinayay  wax-qabadka adeegyada bulshada waa kuwo markhaati cad ka bixinaya sida aad ugu-dateen  waajibaadkii  iyo amaanadii ummada aad u hayseen.

waxaana naga go’an in kaalintayada  annagoo isku duuban  aanu qaadano,  idinkuna barbar istaagno  dhisamaha  qaranka  iyo horumarintiisa, waanu idinku hambalyaynaynaa   horumarka  marba marka ka danbaysa   sii xoogaysanaya  kaasi oo muuqaalka uu bixinayaa ay noqonayso mid uu  taageero qarankeenu  kaga helayo    bulshada caalamka, ayay  ku soo gaba-gabeeyeen.

Waxaana  qoraalkan hambalyada  ee aqoonyahanka reer Awdal  ay   u soo direen  madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhsiiyay  oo wakiil ka ahaa Xaaji Ibraahim Muxumed  Aaye iyo Xasan halas.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.