Badhasaabka Awdal oo Xeer-ilaalinta u gudbiyey Dacwad ka dhan ah Xildhibaanno

Boorama(Aftahannews):- Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Cabdoo Axmed Aayir, ayaa Xeer-ilaalinta u gudbieyy dacwad ka dhan lix xildhibaan oo ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, kadib markii xildhibaannadu ku eedeeyeen arrimo musuqmaasuq iyo maamul-xumo ah.

Cabdoo-Aayar

Xildhibaan   Maxmed Xuseen Maydhane oo ka tirsan    Golaha Deeganka Boorama, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey dacwada Badhasaabku u gudbiyey Xeer-ilaalinta, isagoo xusay in khilaafka Guddoomiyaha Gobolka Awdal iyo Golaha Degaanka u dhexeeyaa salka ku hayo dhul dawladdu leedahay oo la sheegay in Badhasaabka si hoose u iibiyey, dhulkaas oo ku yaal xaruntii xaafadda Xallane ee loo yaqaanay Hannuuninta ee magaalada Boorama.

Badhasaabka Gobolka Awdal oo Jamhuuriya xidhiidho dhinaca telefoonka ah la sameeyey si arrintan dhinaciisa wax looga weydiiyey aanay suurtogelin in la helo, balse dacwada uu u gudbiyey Xeer-ilaalinta, ayaa ka dambaysay, kadib markii xildhibaannada Golaha Degaanku saxaafadda la hadleen toddobaadkan, soona bandhigeen in la boobayo dhulka dawladda, isla markaana Maayirka Boorama iyo Xoghayaha Degmadu qayb ka yihiin arrintaas, waxayna xildhibaannadaasi sheegeen in maamul-xumo iyo musuqmaasuq baahsan ka jiro Gobolka Awdal, iyadoo codkooda oo maqal iyo muuqaal ahba ku baahiyey shabakada wararka ee Boramanews.

“Cabdoo Axmed Aaayir, waxa uu ka kow yahay dhul-boobka hannuunintii hore ee Xallane ka socda. Waayo, hore ayaanu dhulkan sharci-darrada ah dacwadiisa ugu gudbinay Badhasaabka, Taliyaha qaybta booliska iyo xeer-ilaalinta, waxana ay noo sheegeen inay xayirayaan oo tallaabo laga qaadayo arrinta, nasiib-darro, waxa dhimihii loo fasaxay dadkii shicibka ahaa ee laga iibiyay.

Md Madaxweyne, ma jirto magaalo laba guddoomiye leh, markaa waxaannu ku leenahay Badhasaabku waxa uu u dhaqmayaa sidii uu yahay maayir degmo, waxaannu isku haystaa inuu yahay dacawaddii uu  libaaxo adeerka u ahaa oo awoodaada ayuu si khalad ah u isticmaalayaa, waana in aad arrintas wax ka qabato,” ayuu yidhi xildhibaan Maydhane.

Xildhibaan Cabdi Dhegaweyne oo isna halkaas ka hadlay, ayaa isna sheegay in dakhliga dawladda Hoose ee Boorama si gaar ah ugu dhaco jeebka xubnaha fulinta, waxaannu yidhi; “Waxa ayaan-darro ah in maamulka gobolka iyo kan degmadu u badheedheen inay degmada Boorama ka reebaan Degmooyinka kale ee dalka. Waayo, shaqaalaha dawladda hoose ilaa 8 May ayey bilaa mushahar yihiin iyadoo dakhligii dawladda hoose sare u kacay, dakhligaasina waxa uu ku dhacaa jeebadaha xubnaha fulinta oo qudha.”

Waxa kale oo xildhibaanku tilmaamay in Badhasaabka Gobolka Awdal aannu muddo toddobaad ah wada joogin Boorama, balse uu waqtigiisa ku qaato hudheelada caasimadda Hargeysa, arrintaasi uu ku tilmaamay mid maamul-xumo ah.

Xildhibaanno kale oo magacyadoodu yihiin xildhibaan Rooble, Xildhibaan Sheekh Badde, Xildhibaan Mustafe Maxamed Xasan (Xayte), xildhibaan Mukhtaar Cabdillaahi Ducaale (Indho-sheel) iyo xildhibaan Abokor Doone, kuwaaso Badhasaabka Awdal ku eedeeyey inuu faraha kula jiro hawlaha shaqo ee dawladda hoose, isla markaana maamul-xumo iyo musuqmaasuq dul-hogganayaan.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in Badhasaabka Gobolka Awdal u gudbiyey dacwad ka dhan ah xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, arrintaasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid sharci-darro ah.

“Waxa jira in Badhasaabka Gobolka Awdal ka cadhooday dhalliilaha iyo fadeexadihii musuqmaasuq ee aannu tilmaanay inuu faraha kula jiro. Dhawr jeer ayaannu badhasaabka u gudbinay tabashooyinka jira oo dhan, markii uu dhegaha naga furaystay ayaannu saxaafadda la hadalnay, soona bandhignay dhalliilihiisa oo dhan, kadibna waxa dhacday in Badhasaabka Awdal uu Xeer-ilaalinta u gudbiyey dacwad naga dhan ah, arrintaasna waxa noo xaqiijiyey xeer-ilaalinta oo nagu wargeliyey in dacwadi noo taal,” ayuu yidhi xildhibaan Maydhane.

Waxa kale oo xildhibaanku sheegay inay yihiin xildhibaanno ummaddu dooratay oo ilaalinaya hantida ummaddu leedahay, isla markaana aanay Badhasaabka iyo cidkasta ka yeelayn ku tagrifalka xoolaha dadweynaha ka dhexeeya, isagoo caddeeyey inay diyaarinayaan dacwad ka dhan ah Badhsaabka Gobolka Awdal.

“Badhasaabku waxa uu doonayaa inuu soo farogaliyo xilka iyo waajibaadka aannu bulshada u hayno, kuna dhaafi mayno ee waxaannu ku oogi doonaa dacwad la xidhiidha maamul-xumada iyo musuqmaasuqa Guddoomiyaha Awdal faraha kula jiro,” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane.

Xigasho Wargeyska Jamhuuriya.