Kenya oo ka hadashay diyaarad Millateri oo kaga burburay Ceel-waaq oo Ciidan ku waxyeelloobay

Ceel-waaq(Aftahannews):- Hal qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii ay Burburtay diyaarad kuwa Millateriga dawladda Kenya ka mid ah, taasoo ka kacday degmada Ceel-waaq oo ku taalla xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Millaterigu.

405375-365

Diyaaradda Ciidammada Millateriga Kenya isticmaalaan ee loo yaqaanno aircraft oo sidday tiro aan cayinnayn oo Askar ah, ayaa Isniintii 12 May ku burburay duleedka Ceel-waaq, taasoo sida ay goob-joogayaal warbaahinta la hadlay sheegeen ay arkeen Meydka hal qof oo googgo’ay oo yaalla halka ay diyaaraddu ku dhacday iyo tiro aan cayinnayn oo dhaawac ah.

“Ma hayno faahfaahinta sababta ay diyaaraddu u burburtay, laakin waxaan helnay warka sheegaya burburka diyaaradda. Waxaan u dirnay kooxaha badbaadada. Baadhitaan baan noo socda oon wadnaa, ka dib ayaan war faahfaahsan bixin doonnaa.” Sidaa ayuu ku jawaabay Afhayeenka Millateriga Kenya Bogita Ongeri, oo ay Warbaahinta dalkiisu wax ka weydiisay sababta keentay burburka diyaaradda yar ee la sheegay in Millaterigu lahaa.

Afhayeenku waxa uu sheegay in diyaaraddu hawlgal u joogtay gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, isla markaana qorsheheedu ahaa marka ay Ceel-waaq ka soo kacday inay gaadho Gaarisa, Mandera, ka dibna ay Nairobi tagto, balse ay ku burburtay duleedka Ceel-waaq ee xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Turjumaadda Maxamed Bashiir Nuur Giriig.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.