Maayerka Degmada Southwark ee magalada London oo si diirran loogu dhaweeyey Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Maayerka Degmada Southwark  oo ka mid ah magaalada London ee dalka Ingiriiska, Councillar Abdul Mohamed, ayaa safar ku yimi Somaliland maanta, isagoo si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo uu gelinkii dambe ka soo degay.

Maayar-1

ww (4) ww (3) ww (2) ww (1)

Councillor Abdul Mohamed, waxa madaarka Hargeysa ku si diiran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maayir-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa iyo dadweyne  badan, iyadoo markii dambe loo galbiyey dhinaca hudheelka Maansoor oo la dejiyey.

Maayer Abdul Mohamed oo madax u ah Golaha Deegaanka degmada Southwark oo ka kooban 63 xildhibaan, waxa uu saxaafadda uga waramay ujeedada socdaalkiisa oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku doonayo in iskaashi iyo wax wada qabsi dhexmaro degaankiisa iyo Somaliland, isagoo muddo 10 maalmood ah joogi doona Somaliland.

“Degmada Soutwark ee magaalada London waxa ku nool dad lagu qiyaasay ilaa 300 oo kun oo qof, waxayna ka mid tahay meelaha ugu taarikhda weyn caasimadda London, waxaana ka dhisan daaro badan oo muhiim ah, dugsiyo waxbarasho oo waaweyn iyo goobo taariikhi ah, waxaan si gaar ah u soo qaadan karaa, waxa degmada Southwark ku taal daarta dalalka Yurub ugu dheer, waxa ku nool dad kala duwan oo Soomaaliduna ka mid tahay,” ayuu yidhi Adul Mohamed oo sharaxaad ka bixiyey degmada uu maayirka ka yahay ee Southwark.

Maayirka Southwark oo ka warbixiyey xaaladda dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan degmada uu masuulka ka yahay ee magaalada London, waxa uu yidhi; “Soomaalida degmadayda ku nool way isku dhex jiraan, wayna kala duwan yihiin, waxa jira Soomaali badan oo si fiican u shaqaysata, la nool dadka kale ee ajaanibka, isla markaana horumar hiigsanaya, waxa kale oo jira Soomaali, gaar ahaan dhallinyaro ah oo nolosha ka dhacay, xabsiyadana ku jira oo dambiyo kala duwan galay, sidoo kale waxa jira dhallinyaro heer fiican ka gaadhay waxbarashadda, waxyaabaha ugu badan ee Soomaalida nolosha ku adkeeyeyna waxa ka mid ah qaadka iyo jaadka, kaasoo hadda laga mamnuucay dalka Ingiriiska, markaa waxaan rajaynayaa in Soomaalida ku nool London iyo guud ahaan Uk ay horumar gaadhaan.

Waxa jira Soomaali badan oo ka maqan inay ka qaybqaataan arrimaha siyaasadda dalka Ingiriiska oo aan isku sharixin doorashooyinka degaannada ay ku nool yihiin ka dhaca, markaa waxaannu doonaynaa in aannu dadka Soomaalida ah ku dhiirigelino inay siyaasadda iyo doorashooyinka ka qaybqagaal oo bulshadda ay la nool yihiin wax la qaybsadaan. Imminka dhawaan waxa dalka Ingiriiska ka dhici doona doorashooyinka dawladaha hoose, waxaannu doonaynaa in Soomaalidu ka qaybgasho oo isku sharaxaan golayaasha degaanka, isla markaana doortaan dadka ugu muhiimsan ee wax u qaban kara.”

Maayirka Degmada Soutwark oo la weydiiyey waxyaabaha ku dhiirrigeliyey ama ku caawiyey inuu degmo London ka mid ah maayir u noqdo isagoo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxa uu yidhi; “Horta, markasta waxa fiican in aan ka qaybgasho, kana muuqato kolba meesha aad ku nooshahay, wixii bulshooyinka kale samayn karaan oo dhan waa in aad samayso, aniguna sidaas ayaan yeelay, markii horena waxaan dalka Ingiriiska u tagay waxbarasho, waxaan cilmiga injineernimada macdan (Mining Engineering) ka bartay jaamacadda Leads ee dalka Ingiriiska, markaa haddii aad qof waxgarad ah tahay waxaad noqonaysaa in aad si fudud ula noolaato bulshooyinka kale, doorashooyinkana ka qaybgasho, horumarka aad doonayso in aad gaadhana, adiga ayuu runtii kugu xidhan yahay, markaa Golaha Degaanka Southwark tartan baan u galay, cod baan ku soo baxay oo waxa ii coddeeyey Soomaali iyo dadyaw kale oo aan Soomaali ahayn, xisbiga Labour-ka (Labour Party) ayaan xubnin ka ahaa, kana sharaxnaa, ilaa haddana ka tirsanahay, sidaas ayaana la igu doortay oo aan ku soo baxay.”

Maayirka Degmada Southwark ee magaalada London, waxa uu sheegay in muddada uu Somaliland joogo kulamo la yeelan doono qaar ka mid ah Golayaasha Degaanka magaalooyinka Somaliland, isla markaana wixii khibrad hayo uga faa’iidayn doono.

“Waxa Somaliland iigu dambaysan sannadkii 2008-kii, muddadaas aan ka maqnaana, waxa aan arkay markii aan maanta (shalay) soo degay in horumar badan la sameeyey, dhismayaal badan oo caasimadda ku kordhay, waddooyin la dhisay iyo xasiloonida oo aad u fiican, waxa Somaliland ka jira hannaan dimuqraadiyadeed iyo doorashooyin kala duwan oo dhacay oo aan ka jirin inta badan wadamada Afrika, markaa haddii la sii xoojiyo xasiloonida iyo dimuqraadiyadda, dhaqaalahana la kocbiyo, waxay ka qaybqaadanayaan in Somaliland aqoonsi ka hesho caalamka,” ayuu yidhi Councillor Abdul Mohamed oo ah muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland oo maayir ka ah degmo weyn oo ku taal London.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.