Diyaarad Millateri ay leedahay Kenya oo ku dhacday Ceel-waaq

Ceel-waaq(Aftahannews):- Diyaarad militeri oo ay leedahay Kenya ayaa la sheegayaa inay ku dhacday magaalada Celwaaq oo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Mid ka mid ah labada duuliye ee saarnayd diyaaradda ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay isla gobta ay diyaaraddu ku dhacday.

Faafaahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha kale ee ka dhashay shilkaas, iyo welibo waxa sababay. hase-yeeshee wixii warar ka soo kordha waxaannu halkan Aftahannews, ayaannu idiinku soo gudbin doonnaa.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.