Xaddiga Khasaare Baaxad leh oo ka dhashay Qarax gilgilay magaalada Baydhabo

Baydhabo(Aftahannews):- Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, ayaa sheegaya in toban ruux ay ku dhinteen labaatan kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay bartamaha magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa dadka ku dhintay badankood waxa ay ahaayeen dad rayid ah inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamo milatari ah ay ku jireen qaraxan. Wararka ayaa tilmaamaya in goobta uu qaraxa ka dhacay uu ka agdhowaa guddoomiyihii hore ee gobolka Bay Cabdifataax Geeseey haddana ka mid ah golaha wasiirada maamulka lixda gobol isla markaana qaar ka mid ah ilaalaadiisa ay waxyeelo ka soo gaartay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxan hase yeeshee ammaanka magaalada Baydhabo ayaa wanaagsanaa toddobaadyadii la soo dhaafay.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.