Boko Haram oo Muuqaal layaab leh ka soo duubay Gabdhaha Ardayda ahaa ee muddada u aftuuban

Nageria(Aftahannews):- Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ee dalka Nigeria ka dagaallanta, ayaa sii baahiyey Muuqaal ay kasoo duubeen boqollaal Gabdhood oo afar toddobaad ka hor ay ka afduubeen Iskuul kuwa jiifka iyo duruusta isugu jira ah oo ku yaalla deegaanka Chibok oo ku yaalla Waqooyi-bari ee dalka Nigeria.

2014512635354804687797535140512101658_nigeria_boko_haram_abducted_girls_512x288_getty_nocredit

Sheekh Abuubakar Sheekhu oo ah hoggaamiyaha kooxdan oo ka hadlayay filimka ay baahiyeen ayaa sheegay in gabdhahan ay sii daynayaan haddii la fuliyo shuruud uu ku xiran.

“Gabdhahan dhammaantood way islaameen intii aan gacanta ku haynay, keliya waxaan sii daynaynaa haddii lasii daayo xubno ka tirsan Boko Haram oo u xiran xukuumadda Nigeria,” ayuu yiri Sheekhu.

Wadaadka ayaa sheegay in gabadhahan aysan wax dhibaato ah qabin ayna yihiin kuwo caafimaad qaba, balse ay haynayaan inta shuruuddooda laga fulinayo, taasoo uu sheegay inay tahay tan keliya ee ay kusii deyn karaan.

Filimkan oo soconaya daqiiqado kooban ayaa waxaa kasoo muuqday gabdho dhulka fadhiya oo duceysanaya, waxaana qaarkood ay sheegeen inay yihiin kuwo caafimaad qaba, balse ku jira gacanta koox afduubayaal ah.

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay dhawaan inay qaadayso tallaabooyin ay ku doonayso inay kusoo furato gabdhahaas, taasoo ay waalidiinta gabdhaha qaar ka mid ah sheegeen inay khatar gelin karto nolosha gabadhahooda.

Waalidiinta gabadhahan ayaa maalin walba lagu arkaa magaaladii laga afduubay iyagoo ooyanaya kuna dhawaaqaya in gabadhahooda lasoo daayo, taasoo sabab u noqonatay in caalamku uu si weyn uga hadlo afduubka gabdhahan.

Kooxda Boko Haram ayaa waxay dagaal hubeysan kula jirtaa dowladda Nigeria, iyadoo sheegtay inay sii wadaydo colaadaha ka dhanka ah dowladda inta dalka oo dhan looga soo rogayo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Taliyaha ciidamada booliska magaalada Nairobi, Benson Kibue ayaa sheegay in heegan sare la galiyay dhamaan laamaha amniga e ka howl-gala caasimadda si looga hortago weerarro laga fuliyo goobaha ay isugu yimaadaan bulshada.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.