Faysal Cali Waraabe oo buriyey War Siyaasad-baradka UCID kaga hadleen Odayaasha Soomaaliya

London(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga hadlay qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland oo uu lama taabtaan ku tilmaamay, qaladaadka iyo gal-daloolooyinka Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa oo uu naqdiyey, is-sharraxaadda Guddoomiyaha KULMIYE, tabashada Beelaha Darafyada Somaliland, xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya, Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Arbacadii inna dhaaftay Booqashada ku yimi Hargeysa oo ay maalmihii u dambeeyey-ba kulammo kula yeelanayeen dhinacyo kala duwan.

Qodobbadaas iyo kuwo kale oo xiiso badan waxa uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku sheegay Waraysi si toosa ay dadweynuhu su’aalo ugu weydiinayeen iyo kuwo Weriyuhu weydiinayey, waraysigaas oo xalay si toosa uu u baahiyey Telefeshinka Universal oo uu Faysal Fadhiyey Istuutyahooda koowaad ee ku yaalla magaalada London ee waddanka Ingiriiska oo uu booqasho shaqo ku joogaan Masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga UCID oo uu Faysal-na ka mid yahay.

Waxaanu Faysal Cali Waraabe waraysigaas ku Buriyey war qoraal ah oo ay dhilinyarada siyaasad-baradka ah ee Xisbigiisu ka soo saareen shalay magaalada Hargeysa, isla markaana ku dhalliileen socdaalka Odayaasha Beelaha Koonfurta Soomaaliya ee Muqdisho ka yimi ku joogeen Caasimadda Hargeysa.

Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana su’aalo badan oo kala duwan lagu weydiiyey Faysal Cali Waraabe iyo waxa kala qabsaday isaga iyo Weriye Cagta Xaaji oo Barjaanijka daadihinayey halkan hoose ka daawo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.