Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Macdanta Oo Sahamin Qarsoodiya Ugu Baxay Macdan Baadhis

Hargaisa(Aftahan News) mudooyinkii u danbeeyey waxaa ka jiray wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland jaahwareer maamul xumo iyo musuqmaasuq oo lagu eedaynayay qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradaasi taasina waxaa ay keentay in albaabada loo laabo wargayskii haatuf oo wax ka qoray xaalada wasaarada macdanta somaliland.

hadaba eedahaasi hore dusha loogu saaray wasiirka macdanta somaliland xuseen cabdi ducaale ayaa lasoo sheegayaa inuu baro dheeraaday agaasimaha guud ee wasaarada macdanta siciid jibriil kaasi oo ah sidoo kale lafdhabarta ay ku dhaqaaqdo wasaaradu iyadoo lagu eedeeyey inuu musuqmaasuq baahsan ka bilaabay xafiisyada shaqada isagoo cunay gunooyinkii iyo kharashaadkii shaqaalaha ee ay habeen dhaxa u lahaayeen markay shaqo u baxaan maadaama aanay jirin gaadiid tira leh oo wasaarada u shaqeeya taasina waxay isku bedeshay in gudaha wasaaradu noqdo xarun geerash oo ay yaalaan iskaraabka gaadiid fara badan.

agaasimaha guud ee wasaarada macdanta ayaa lagu eedeyay inuu nin ay walaalo yihiin wakiil uga dhigtay u qaabilsanaha shirkadaha wadaniga ah ee soo saara isla markaana dibada u dhoofiya macdanta kaasi oo ah hubiyaha iyo baadhaha macdanta dalka ka baxaysa isagoo kasoo qaada shirkadahaasi lacag laaluush kuna tilmaaman kharashaadka wasaarada hadii la yeeli waayona waxaa la sheegay in shirkadahaasi laga joojiyo waxii ay dhoofsanyeen.

sidoo kale waxaa uu dhamaanba agaasimaha guud shaqadii ka joojiyay shaqaalihii xirfada iyo aqoonta u lahaa eek u qornaa kastamada iyo madaarada dalka ee ka shaqayn jiray baadhista iyo hubinta macdanta dalka ka dhoofaysa,waxaana si uu fursad u helo meesha ka saaray shaqaalihii aqoonta u lahaa khayraadka dabiiciga ah ee dalka booskoodiina uu geliyay koox qaraabadiisa ah oo walaalkii hogaanka u hayo.

guud ahaanba mar aan booqanay wasaarada macdanta gudaheeda kama socon hawlmaalmeed shaqo oo caadi ah waxaana ay noo sheegeen inuu agaasimhii mudo laba todobaad ah ku maqan yahay hawlo macdan dhoofineed oo aanu qaranku ogayn,shaqaalihii rasmiga ahaana aanay la socon waxaana ay arintani ku tilmaameen guuldaro ku habsatay khayraadkii dalka ee looga fadhiyay inay soo saartto wasaaradu.

arintani ayaa iyana dhankeeda waxaa ay ka abuuri kartaa deegaamada dalka welwel ay ka qabaan qaabka loo maamulayo khayraadkii dabiiciga ahaa ee dalka xili uu hormuud ka yahay arintani.

hadaba qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada macdanta ee laga joojiyay shaqada oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa ka xogwaramay sida ay wax u jiraan iyo maamul xumada wasaaradooda hadhaysay waxaana ay hadalkooda ku bilaabeen sidatan “sida aynu ku caanbaxnay amaba kaga duwanahay bulshada ku dhaqan geeska afrika waxa la inagu tilmaama inaynu nahay umad ku suntan dad u hiiliya xaqa kana gilgisha dulmiga ,taas oo ah astaamaha umada muslimka ah ,hadaba anigoo taa ka duulaya waxan jecelahay inan halkan idiinku soo bandhigo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta wasaarada macdanta iyo tamarta ,

oo aalaba ah wasaradaha ay si cad u dareemeen bulshadeena inay masuuliyiinteedii si baahsan ugu tagrifashay adeegi iyo amaanadi ay u haysay umada reer somaliland iyado marka lasoo hadal qaado qofkasta maankiisa kusoo dhacda maxaa maantana la lunsaday gaar ahaan masuulka wasaarada ugu sareeya oo inta badan warbaahinta ay ku tilmaanto mid ka mida wasiirada ku caanbaxay musuqmasuq   iyo lunsiga hantida qaran , iyadoo mooganan iyo dayac xoog leh oo ka muuqda wasaaradaas haday noqoto dhismaha ay ku jirto oo ah kii ingiriisku dhisay iyo haday noqoto gadiid yaraan , siiba dayaca sida tooska ah aad u dheegan karto waxa weeyan markaad gasho wasaradaas waxaad moodaysaa inad soo gashay geerash ayaad moodaysa” ayuu yidhi

isna waxaa mar kale dareenkiisa  si xogogaalnimo ah uga warbixiyay ayaa ka dhawaajiyay sida ay wasaarada iyo agaasimaha guud isula cadilan yihiin waxaana uu hadalkii ku bilaabay sidan “waxa la yaab leh iyaduna in badiba xafiisyadeedu xidhan yihiin oo wax hawl maalmeed ah aanay ka socon hadiiba aad la kulanto xafiis furana waxa ay idhahaagu qabanay dayaca ka muuqda guud ahaan iyo gaar ahaan agabka yaala xafiisyada oo ah kuwa baali ah ama duugobay oo aanay indhahaagu hayn karayn ,

waxaynu wada ogsoonahay dakhliga soo galay wasaradaas ee ay ka marag yihiin masuuliyiinteeda ugu sareysa iyo sida aanay uga muuqan goobta ay ku hawl galayaan, ku darso wax wada shaqayn ahi kama muuqato wasaarada macdanta iyo tamarta oo ka dhaxeeya masuuliyiinta ugu sareeya wasaradaas iyo shaqalaheda taas oo ay ii xaqiijiyeen hawlwadeeno ka tirsan wasarada kuwaas oo ku tilmaamay masuuliyiinta wasarada ugu sareeya qawlaysato u heshiiyay ku tagri falka awooda qaran ee lo igmaday iyo lunsiga hantida umada “ ayuu yidhi .

isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu iftiimayay inuu jiro dad ay qaraabo yihiin agaasiamaha oo kooto loogu xidhay shaqadii ay qaban lahaayeen shaqaalihii loo soo tababaray baadhista macdanta dalka ka dhoofaysa waxaana uu yidhi mar kale isagoo ka hadlaya “ walaal waxa xusid mudan in wasiirku qorshaystay inaan loogu iman shirikadaha dibada ka yimaada umuurtooda halka shirkadaha gudahana uu u daayay agaasimaha guud ee wasaradaas  masuulkan oo isagu si indho la aan ah u isticmaalay awoodii maamul isago kula shaqaysta magaca wasaradaas shaqaale aan ka tirsanayn

wasaradaas oo uu ka mid yahay walalkii oo badiba shirkadaha gudaha ee wata ajaanibka uga wakiil ah wasaradaas iyo dad ay qaraaba dhaw yihiin oo marka hawlo wasaaradu leedahay la qabanayo uu dirsado sida sheegeen badiba shaqaalaha wasaradaas iyago sheegay in shaqadoodi laga maarmay oo aan la doonayn in ay wax ka ogaadan khayraadka dabiciga ee dalku leeyahay qababka loola baxayo inaanay waxba kala soconin, taas ayaa ugu wacan bay yidhaahdeen wasaradana waa lagu heshiiyay nina shirkadaha dibadu u gaar yahay nina shirkadaha gudaha ka dhisan iyo inuu gunooyinka kharashaadka shaqalaha uu ka cuno isago og agaasimuhu inuu helay fursad madaama uu ugu macalin yahay wasiirka xilka uga sareeya oo ay heshiis ku yihiin,

waxa hadaba iswaydiintu tahay masuuliyiinta u bahoobay boobka hantida qarankan madaxwaynuhu miyuu kaga raaliyahay in hanankan fawdada ah ay kusii shaqayso wasaarada macdanta iyo tamarta oo ah halbawlihii qarankan uu ku horumarilahaa ee qarankan khayraadkiisa usoo saari laha si dalku uga baxo saboolnimada uu hada ku jiro waxa aynu wada ognahay in tariikhda sooyaalka ah ee madaxwaynuhu ay tilmaamayso shakhsi neceb musuqmasuqa waxan talo kusoo koobayaa mudane madaxwayne arintan ka taagan wasaarada macdanta iyo tamarta baadhis ku same oo waajibka ku saran ka gudo ogsoonow in wasarada macdantu tahay bar ku suntan xukuumadaada oo ku tilmaaman goob ay maamulaan qawlaysato u bahoobay hantida umadani leedahay ee adna ilaahay kaala xisaabtami doono hadaad kaga raali tahay “  ayuu yidhi isla markaana kusoo afmeeray hadalkiisa.

 

AftahanNews.com

Nuur_giriig1@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland/Office.