Shuban-Biyood Carruur soo riday, Wasaaradda Caafimaadka oo aan ka hadal iyo Khatarta Xilli Roobaadkan

Hargeysa(AftahanNews):- Cudurka shuban-biyoodka, ayaa dhawr Carruur ah ku soo riday magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland,iyadoo Carruurtaa qaar ka mid ah la keenay Cusbitaalka guud ee Hargeysa, isla markaana lagu daweeyay, halka aanay wali Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ka hadal jiritaanka cudurka Shuban-biyoodka ee Carruurtu u soo dhacday.

Cudurka shuban-biyoodka, ayaa la sheegay in lagu arkay isla markaana uu ka jiro xaafadaha magaaladda Hargeysa isla markaana ay jiraan tiro caruur ah oo lagu arkay cudurkan oo qaarkood la keenay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wakhtigan oo lagu jiro xilli roobaad isla markaana uu cuduka shuban biyoodku si sahlan ku fidi karo,ayaanay illaa imika ka hadal Wasaaradda Caafimaadka Somalland isla markaana aanay qaadin wax tallaabo ah oo lagaga hor tagayo in cudurka Shubanbiyoodku uu fido.

Oday Maxamed Cabdi oo ka mid ah duqayda xaafadda Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa,ayaa sheegay inuu ka jiro cudurka shuban biyoodku xaafada Sheekh Nuur isla markaana ay gurmad u fidiyeen dhawr carruur ah oo uu cudrka Shubanbiyoodku ku dhacay,waxaanu intaa ku daray inaanay jirin cid u dhimatay balse loo baahayn yahay in halkaa lagu xakameeyo intaanu fidin.

“Adeer shuban biyoodku wuu ku jiraa magaalada gaar ahaan xaafada sheikh Nuur dhawr carruur ah oo uu soo riday,ayaa jira kuwaasoo aanu u gurmanay oo aanu geynay cisbitaalka uud ee magaalada Hargeysa,mana jiraan caruur u geeriyootay laakiin waxaa loo baahan yahay in halkaa lagu xakameeyo”ayuu yidhi oday Maxamed Cabdi waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlayay inay jiaan wax gurmad caasimaad ah oo xaafada laga bilaabay.

“Adeer cid hadal haysaba maanaan arag waliba waxaa lagu jiraa xilli roobaad oo  xashiishkii ayaa meel kastaba yaalla waxaanu cudurka shubanbiyoodku ka dhashaa nadaafad xumada,dawladda Hoose ayaanay ahayd inay ka shaqayso nadaafadda oo ay qashinka magaalada ka gurto intaan cudurro ka dilaacin.”

Wali dawladda hoose ee Hargeysa ,ayaan dhankeeda qaadin wax olole nadaafadeed ah oo lagaga hor tagayo cudurada ka dhalan kara meelaha qashinku yaallo ee gudaha magaalada Hargeysa,halka aanay Wasaaradda Caafimaadku waxba ka odhan shubanbiyoodka la sheegay inuu magaalada ka jiro isla markaana uu carruur soo riday.

AftahanNews.com

Nuur_giriig1@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland/Office.