Warbixin Xiiso badan oo Suxufi Siciid Xagaa ka diyaariyey dalka Barazil

Warbixin kooban oo ku saabsan dalka Barazil waxaa tarjumay Siciid Xagaa.

19

2

Dalka brazil oo loogu dhawaaqo Federal Republic of Brazil waa dal ka soo jeeda bortaqiis, waa dalka shanaad ee ugu balaadhan aduunka ,koofurta amerika iyo dhamaan qaarada laatiin Amerikaba. Dalka brazil waxaa dhinaca bari ka marta badda ATLANTIC OCEAN, oo leh xeeb dhererkeedu tahay 7,491km.

Wuxuuna xuduud kala leeyahay dhinaca waqooyi dalka Venezuela,Guyana, suriname iyo french guiana. Dhinaca waqooyi galbeedna waxaa dalka brazil xuduud uu kala leeyahay daka COLONBIA. Galbeedna waxaa kaga beegan BOLIVIA iyo PERU. Sidoo kale dhinaca koofur barina waxuu xuduud kala wadaagaa dalalka ARGENTINA, iyo PARAGUAY, halka waqooyi uu ka xiga dalka URUGUAY. Waxaa la odhan karaa dalka brazil dhamaan xuduud ayuu la leeyahay wadamada waqooyiga marka laga tago ECUADOR iyo CHILE.

Tirada dadka reer Brazil waa 190 milyan 83.7 waa dad degan magaalo. 2008 heerka wax aqris iyo qoris la’aanta waxey aheyd 11.48% waxeyna u badnaayeen dhalinyaro dadoodu u dhaxeysay ( 15-19 ).

3

Dhaqaalaha wadanka Brazil waa wadanka todobaad waxaana door libaax leh ka ciyaaray in dhaqaalaha uu kobco ( Brazil’s national development bank (BNDES) ) ,xagga wax iibsiga waa wadanka todobaad Marka laga hadlayo wax soo soorka KAFEEGA waa wadanka ugu weyn ee soo saara Kafeega 150kii sano ee u danbeeyay. Waxey kaloo kordhiyeen joogitaanka suuqyada maaliyadeed iyo badeecooyin waxeyna nasiib u heleen in ay Brazil ay noqoto suuqa afaraad ee ugu weyn baabuurta caalamka.

Sidoo kale waa dal dhoofiya Diyaaradaha,korontada,gawaadhida,dharka.kabaha,birta,cabitaanka  iyo Liinta. Dalka Brazil ayaa wax dhoofinta caalamka kaga jira darajada 23aad.

Dalka Brazil waa wadanka 2aad dhinaca garoonka diyaaradaha waxaa ka horeeya mareykanka kaliya .

Wuxuu leeyahay Garoono waaweyn oo aad u mashquul badan ku dhawaad 20 milyan oo rakaab ah ayaa sanad walba isticmaala garoonada Brazil.

Dhinaca diinta dadka heysta diinta CATHOLICS dalka Brazil waa 123 million celecelis ahaana waa 64% .waa dadka ugu badan ee heysta diinta catholics hoos ka eeg heerka dadka heysta diimaha dalka Brazil.

Religion    

Percent

 
Roman Catholicism   

64.6%

Protestantism   

22.2%

 

No religion  

8.0%

Spiritism   

2.0%

Others   

3.2%

 

5   6  7

 

 

8 9 10

Ciidanka Brazil waa ciidanka ugu balaadhan laatiin Amerika waxeyna ka kooban yihiin :Brazilian Army, Brazilian Navy iyo Brazilian Air Force waxeyna guud ahaan yihiin 317,199 oo ah kuwa shaqeeya . Ku darso oo waxey kaloo leeyihiin ciidan loogu yeedho Military police iyo ciidan kale oo loo yaqaan green water

Magaca Brazil wuxuu asal ahaan ka yimid ama ka soo jedaa nuuc ka mid ah geedaha ka bixi jiray Xeebaha wadankaasi waxaana loo yaqaan brazilwood. Dadka boortaqiiska waxey odhan jireen pau-brasil.

Dalka Brazil waxa uu ka kooban yahay 26 gobal iyagoo isugu yimaada Federaal, dhamaan gobalada waxey isugu jiraan gobolo isbaheystay si juquraafi ah. Nidaamka caafimaadka dadweynaha Brazil ayaa loo yaqaan Nidaamka caafimaadka qaranka, waxaa maamula oo bixiya dhamaan dowlada waana wax ay u siman yihiin dadweynaha muwaadiniinta ah si lacag la’aan ah. Walow ay jiraan meelo kale oo si gaar ah loo leeyahay. Dhinaca musuqa ee xeebaha brazil waxaa lagu sheegaa 41 bilyan oo dollar sanadkii waana 69.9% waxeyna wadamada musuqa caalamka kaga jirtaa kaalinta 69aad.

CAAFIMAADKA

15 16 17 18

 

Sida laga soo xigtay dowlada Brazil waxaa jira dhibaatooyin caafimaada oo ay ugu daran yihiin:

  • Dhimashada caruurta dalka Brazil waxey gaadhaa 2.51% ilaa 3.77% meelaha ugu badana waa gobalada ku yaala waqooyi bari.
  • Dhimashada hooyada uurka leh waa 73.1% marka 100 kun oo caruur ahba dhashaan
  • Dhimashada xanuunada leys qaadsiiyo ayaa ah 151.7 dhimasho 100.000 waxaana sababa xanuuno ku dhaca wadnaha,cudurada wareega dhiigga,oo ay wehliso kuwa keena kansarka, iyo kuwa kale oo ku dhinta sababo ka baxsan kuwa aan soo sheegay sida ( shilalka gaadiidka,rabshadaha,iyo is miidaaminta )
  • Sanadkii 2002 Brazil waxey xisaabisay in 40% xaalado cudarka duumada Amerika in ay ku haybsatay,ku dhawaad 99% in ay yihiin gobalka LEGAL AMAZON.

19 20

DHINACA SAXAAFADA

Dalka Brazil wargeyskii ugu horeeyay waxaa la aasaasay sanadkii 1808dii waxaana laga aasaasay magaalo madaxda wadanka ee RIO DE JANERIO magacii ugu horeeyay uu yeesho wargeyskaa ayaa ahaa THE GAZETA isagoo nuqulkii u horeeyay uu soo baxay bishii september 1808 dii .Dhinaca idaacadda waxaa markii u horeysay dalka Brazil laga hirgeliyay 7dii bishii sebtember sanadkii 1922kii. Waxaana ku xigay sanadkii 1923kii oo la furay idaacadii 2aad oo la odhan jiray radio Society of Riode Janeiro.

21 22

Dhinaca Talefeshinka waxaa ugu horeeyay si rasmi ah 18kii september sanadkii 1950 waxaana la odhan jiray TV TUPI. Dalka brazil waa dal ka mid ah kuwa aadka loo booqdo marka laga hadlayo dalxiisyaal sadax sano ka hor dadka booqday waxey gaadhayeen 5 milyan oo booqdayaal waxeyna dadkaasi badankood ka yimaadaan Koofurta ameica lacagta sanadkaa ay ka heleen waxey dhameyd 6 bilion oo doolar .

23 24

Luqadda rasmiga ah ee looga hadlo Brazil waa waa bortaqiis.waana wadanka kaliya ee ku hadla qaarada America , xitaa dhaqanka waa dhaqanka boortaqiiska sababtoo ah xidhiidh xoog leh iyo gumeysigii boortaqiiska ayaa sameyn ku yeeshay.

Xagga wax beerashada dalka Barazil dhul ahaan wuxuu beertaa 65,338,000 hektar lacagta ka soo baxda ayaa lagu qiyaasaa sanad kasta 148 billion oo doolar

CIYAARAHA

11 12

Dalka Brazil ciyaarta ugu caansan waa ciyaarta kubadda cagta, wuxuu koob adduun ku guleystay shan jeer .markii ugu horeysay ee ay koob aduun ku guuleystaan teemkii ka socday Barzil waxey aheyd 1958, waxaa ku xigay 1962, waxaa ku xigay 1970, waxaa ku xigay 1994, waxaana ugu danbeeyay 2002 . sidoo kale mar ayey marti geliyeen koob aduun waana sanadkii 1950kii , waxeyna mar kale martigelin doonaan isla sanadkan 2014. dalkaasi brazil ciyaartoy caalamka caan ka noqotay ayaa ka soo baxday sida ninka Loo boqray ee dhaamanka madow Boqorka Kubadda cagta PELE, sidoo kale waxaa ka soo baxay Garrincha,Ronaldo,Roberto carlos,Romario, Ronaldinho,Kaka iyo Neymar.

13 14

Brazil waa wadan aad u dhaqda lo’da una iibgeeya suuqyada caalamiga ah sanadkii 2005 waxaa la diiwaan geliyay 28 milyan oo neef oo lo ah in la qalay, halka guud ahaana lagu sheegay sanadkasi in 87 milyan oo neef ay haatan diyaar yihiin. Taasi oo ku tuseysa in Brazil ay lo badani joogto , sidoo kale waxaa ku yaala keymo waaweyn. kala badh dalka Brazil waxaa daboola keymo loo yaqaan Amazon ,qaybaha korinta xoolaha iyo beerista Sisinta, qasabka sonkorta, bariiska, tubaakada iyo dhuxusha dhamaan wey beertaan reer Brazil.

25 26

Dhinaca caruurta la adoonsado dalka Brazil waa meelha caalamka uu weli uu aad uga jiro , waana wadanka sedexaad ee caruurta la adoonsado waxaa ka horeeya oo kaliya Hindiya, iyo Bangaladesh

Brazil 92% baabuurta taal waa cuseyb

 

SICIID XAGAA AFRAX

JOURNALIST

SOURCE: WEKIPEDIA.

EMAIL: SXAGAA@GMAIL.COM