Madaxweynaha Somaaliya Oo kulan La Qaatay Madaxweynaha Uganda

Kampala[Aftahan News]Madaxweynaha dawladda faderaalka Soomaaliya,Xassan Sheekh Maxamuud oo booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda ayaa kulan dheer la qaatay madaxweynaha dalkaasi Yuweri Muzevani.

2usg31h

Socdalka uu madaxweynaha Uganda ku joogo,waxaa ku waheliya wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya,Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka,Daahir Aadan Cilmi.

Kulanka ay wada qaaten madaxweyne,Xassan iyo Yuweri Muzevani waxaa lugu sheegay in looga hadlay xiriirka labada dowladood iyo arimo ku saabsan ciidanka AMISOM,labada madaxwweyne ayaana sidoo kale ku soo qaaday fadhigooda sidii loo xoojin laha taageerada dowladda Soomaaliya ee dhinaca ammaanka.

..””Madaxaweyne Xassan si weyn ayaa loo soo dhaweyey markuu gaaray Uganda,waxuuna shir la qaatay madaxweynaha Uganda Yuweri Muzevani,waxaana ay ka wada-hadleen xiriirka labada dowladood iyo arimo ku saabsan ciidanka AMISOM,..”ayuu yiri mas’uul u hadlay madaxtooyada Soomaaliya.

La-dagaallanka Al-shabaab ayaa qeyb ka ahaa arrimaha ay ku dheeraden labada madaxweyne,waxaana la sheegay madaxweynaha Soomaaliya inuu Uganda ugu mahad-celiyey taageerada dhinaca Milateriga,maadaama Uganda ciidamada ugu badan ee AMISOM ay leedahay.

Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, ayaa la kulmay Taliyaha ciidanka Milateriga dalka Uganda iyo Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi oo ay kala hadleen sidii loosii wadi lahaa howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya, maadaama miisaanka ugu culus ee howlgalkan Dowladda Uganda ay ku leedahay.

Safarka madaxweynaha oo imaaanaya xilli xildhibaanno ka tirsan baarlamaanku ay ugu baaqen inuu xilka ka dago,waxaana guuxa siyaasaded uu abuuray inuu madaxweynaha dadaal u galo sidii baarlamaanku arrinta uga tanasuli lahaayeen,lamana xaqiijin arrimaha siyaasaded ee horyaala Xassan Sheekh inuu kalahadlay madaxweynaha Uganda.

Waxaa lugu wada isla maanta inuu madaxweynaha dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho,maadaama socdalka uu ku tagay Uganda lugu sheegay inuu hal maalin qaadanayo.

Aftahan News

Nuur_giriig1@hotmail.com

Hargaisa/office