Hargeysa(Aftahannews):- Madax-dhaqameedka, Haweenka iyo Aqoonyahanka Beesha Reer Gadiid ayaa si kulul u Cambaareysay Xadhigii lagula kacay Guddoomiyaha wargeyska Haatuf Yusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyskaasi Axmed Cali Cige oo Sabtidii toddobaadkan Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ay xadhig rumaan ah u dirtay.
Waxayna Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan xorriyaddooda loogu soo celiyo Masuuliyiintaas. Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli oo shirkaasi jaraa’id ka akhriyey Qoraal dheer oo ay ku saxeexanayeen in ka baddan 50 Madax-dhaqameed oo ay ku dalbanayaan in xoriyadooda loo soo Celiyo Suxufiyiintaasi. Kulankaas iyo hadalladii kala duwanaa ee laga jeediyey-ba halkan hoose ka daawo.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.