Amisom oo Ciidanka Soomaaliya u gacan galiyey Saldhigga Maryan-Gubaay

Amisom
Amisom

Muqdisho (Aftahannews)- Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda, ayaa maanta ku wareejiyey ciidanka Soomaaliya saldhigga Maryan Gubaay, kaa soo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Amisom
Amisom

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya, hataan wixii ka danbeeya ammaanka saldhigani waxaa sugi doona ciidanka xoogga Soomaaliya.

Xafladan kala wareejinta saldhiga, ayaa waxaa ka soo qeyb galey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Siidii, iyo sidoo kale guddoomiyaha degmada Baraawe Ibraahim Cabdulnuur, oo ah halka uu ku yaallo saldhigani.

Ciidanka Soomaaliya, ayaa maalmihii uggu danbeeyey ka wada dhaqdhaqaaqyo balaadhan gobolada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaalya, iyagoo dagaallo badan oo ay la galeen dagaal yahanada Al-Shabaab ku sheegtay inay goobo badan kala wareegeen Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM, ayaa qayb ka ah dagaalka ay ciidanka Soomaaliya kula jiraan dagaal yahanada Al-Shabaab.