Somaliland: Shirweynaha Horumarinta Beeraha oo furmay

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta furay shirka Horumarinta Beeraha oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Horumarinta Beeruhu.

 

 

Shirkan oo muddo laba maalmood ah socon doona, waxa ka soo qaybgalay Wasiirro, Guddoomiyaha Baanka dhexe, aqoonyahannada beeraha iyo beeraleyda dalka.

Waxa furitaankii shirkaas ka hadlay Wasiirka Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed, waxaanu ka warramay qorsheyaasha Wasaaradda ee la xidhiidha sidii Somaliland ay u gaadhi lahayd isku filaansho dhinaca cuntada ah. Waxa kaloo uu ka hadlay siday u taageeraan beeraleyda dalka.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in loo baahan yahay in kor loo qaado wax-soo-saarka Beeraha, waxaanu tilmaamay inay dalka dhibaato ku hayso lacagta ku baxda cuntada dibadda laga soo waaridaa.

Wasiirka Horumarinta Deegaanka iyo reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, ayaa sheegtay in la dhiiri geliyo beeralayda dalka si ay wax soo saarkooda kor ugu qaadaan, waxaanay tilmaantay in ay lagama maarmaan tahay sidii dalku iskugu filnaan lahaa dhinaca cuntada.

Waxa kaloo shirkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Rooble Cabdi Muuse, Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Marwo Yurub Abiib iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahim Baqdaadi, kuwaasi oo ka warramay muhiimada shirkaasi.

Madaxwweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo si rasmi ah u furay shirkaasi ayaa Wasaaradda Beeraha ku bogaadiyey hawlaha horumarinta wax-soo-saarka tacabka beeraha.

Madaxweyne u xigeenku waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay sidii ay wax ula qaban lahayd beeralayda, isagoo ganacsatadana ugu baaqay inay maalgashadaan beeraha dalka, si waddanku uga kaaftoomo cuntooyinka dibada laga soo waarido.

Waxa kaloo shirkaasi dood cilmiyeed  ku soo bandhigay aqoonyahannada dhinaca beeraha ee shirkaasi ka qaybgalay.