Al-shabaab oo Fagaare ku Toogatay Nin Gowracay Hooyadii iyo Walaalkii

Al-Shabaab
Al-Shabaab

Beledweyne (Aftahannews) – Ururka Al-shabaab, ayaa galinkii dambe goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan ku fuliyay xukun dil toogasho ah.

Al-Shabaab
Al-Shabaab

Xukunka dilka toogashada ah, ayaa waxaa lagu fuliyay nin lagu eedeyay inuu hore u dilay hooyadii dhashay iyo walaalkii.

Eedeysanaha la toogtay, ayaa lagu macaabi jiray Maxamed Calasoow Cabdi, kaa soo la sheegay inuu hore u gowracay hooyadii oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Cismaan Cumar oo 72 sano jir aheyd iyo walaalkii oo lagu magacaabi jiray Macalin Maxamuud Calasoow Cabdi.

Fagaaraha lagu dilay ninka eedeysanaha ahaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne farabadan, si ay u daawadaan xukunka dilka toogashada ah ee lagu fulinayay ninka dilay hooyadiis iyo walaalkiis.

Al-shabaab inta badan waxay ka fuliyaan deeganaada ay ku sugan yihiin xukuno kala duwan oo la xadhiidha dilal iyo gacan goyn, iyagoona dhowr jeer oo hore fuliyay xukuno toogasho, gacmo jaris iyo karbaash ah.