Madaxweyne Biixi iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo gaadhay Magaaladda Berbera

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Berbera (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada.

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Wefdiga madaxweynaha, ayaa markii ay halkaasi gaadheen waxaa ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo xubnaha wefdiga ah ee la socda, ay magaaladaasi u tageen safar shaqo.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehelinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, saraakiil Ciidan iyo xubno kale oo xukuumadiisa ka tirsan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo uga baxay caasimadda Hargeysa, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yidhi, “Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socda oo safar shaqo halkaas u tegay,  ayaa  waxa  si diirran u soo dhaweeyey  madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale.”