Ciidamada cirka Itoobiya oo Duqeyn Hawada ah ka gaystay gobolka Tigray

Mekelle (Aftahannews)- Tiro dad ah, ayaa ku dhintey duqeyn hawada ah, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, taasoo ka dhacdey tuulada Togogo, oo u jirta 25km magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya.

Duqeyntan, ayaa waxaa geystay ciidamada cirka Itoobiya shalay.

Afhayeenka ciidamada Itoobiya, ayaa sheegay in diyaaradda dagaalka ay bartilmaameed saneysay dagaal yahano halkaasi ku dhuumaaleysanaya.

Dhakhaatiirta isbitaalka Ayder, ayaa sheegay in toddobo qof oo ku soo dhaawacmey duqeynta lagu daweynayo isbitaalka.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in gawaaridda lagu qaado dadka dhaawaca in loo diidey in dadkii ku dhaawacmey duqeynta iney ula cararaan goob caafimaad.