DHAADASHADA DHAWR! Qalinka Muuse Faarax Jaambiir

Muuse Faarax Jaambiir 2021
Muuse Faarax Jaambiir 2021

DHAADASHADA DHAWR Siyaasaddu, mar waa dan, marna waa xarfada iyo xeelada lagaga ilmo dhalo danta. Sidoo kale, siyaasigu mar waa dan la joog, xeer kula jooga, marna waa dul ka joog xeel ku joog ah.

Muuse Faarax Jaambiir 2021
Muuse Faarax Jaambiir 2021

Labada goorba, waa xirfadyahan tixi kara khiddado uu danta kula sii joogo ama uu dan jire ka jooga bedela ku noqon karo.

Sababtaasaa, doorasho u tahay sune heshiis lagu yahay oo loogu beretamo hogaaminta talada nolosha, shacbiguna u yahay awoodda xulata, hadba raacayaasha ay door bidaan. Maxsuulka ka soo baxaa wuxuu u qaybsamaa laba; guul la wada leeyahay iyo mid la kala leeyahay.

Ta la kala leeyahay waa sida loogu kala guulaysto kuraasta loo tartamayo. Taa lafteedu, labay u sii qaybsantaa, guul is bixin karta oo keligeed talaabsan karta(Aqlabiyad) iyo mid aan keli ku tamarinayn (Aqaliyad). Hadii, tartamayaasha midna aqlabiyada gaadhi waayo, guusha hore siima negaato, midna kuma nasto tiisa, hadaanuu korodhsiimo helin.

Markaa, hadii laba isqaadata oo kooramka isu buuxisa la waayo iyo hadii laba heshiisaba, loolan iyo shukaansi siyaasadeed lagama baaqsado. Haatan, Somaliland waxa ka dhacay doorashadii abid ugu qiimaha iyo qaayaha saraysay.

Doorasho, mucjisooyin badanley ah oo gudo iyo dibadba hilaaceedu ashqaraar iyo muusood geliyay, isla markaana kor geysay magacii iyo maamuuskii guud ee dadka iyo dalka. Sida ilmuhu u leeyahay hiddo dhalay oo uu ku arooro, si la mid ah ayaa dhacdo nololeed kastaa u leedahay masuuliyad.

Sidoo kale, sida weel waliba u dhidido waxa lagu shubo, si la mid ah, ayaa doorasho kastaa ugu eg tahay talada hiddaheeda. Sidaa awgeed, maanta waxa Somaliland ka dhacay doorasho waalid fiican ku abtirsata, taasoo dal iyo dibadba loo furay, markhaatigii ugu waynaa ee abid u dhaca doorasho dalka ka dhacda.

Hadda, waxa dhammaaday wejigii labaad ee loogu tartamayay kuraasta xilqaadka leh ee golayaasha deegaanada dalka. Mid kasta si xor ah baa laysugu haneeyay, markii codka lagu kala guulaystay.

Caasimada Hargeysa oo loolanka ugu xamaasad badani ka oognaa, oo mar mucaaridku dhexdiisa isku haystay, marna muxaafid iyo mucaarid laysugu maraa, waxa ka odayeeyay oo dhankii mucaaridka iyo dhankii muxaafidkaba, wixii ka socday soo afjaray Madaxweynaha qaranka Md Muuse Biixi.

Talaabadaa uu qaaday waxay kala furatay mucaaridka, muxaafidkana waxay ku keliftay inay u tanaasulaan mucaaridka, sidaana wuxuu ku suurageliyay in tawfiiq mid ah loogu caleemo saaro Hargeysa, Maayar iyo ku xigeen labaduba ka soo baxay mucaaridka.

Taasi, waxay ahayd tudhaale siyaasadeed oo Madaxweynuhu, ku muujiyay in wax kasta oo kaleba ay kala wayn tahay, ilaalinta guusha wayn ee uu Aabaha u yahay ee qaranku gaadhay. Eegga, waxa hadhsan ee la dhawrayaa, waa doorashada Shirgudoonka Golaha Wakiillada.

Musharixiinta, ku tartamaysa mid kastaaba xaq buu u leeyahay galaangal iyo olole uu cod ku raadinayo, inuu ka dhex sameeyo xildhibaanada kale ee golaha. Taa cid u diidi kartaa ma jirto, dhaqanka tartanka ayaaba sidaa xeerkiisu yahay. Sidaa awgeed, maaha in la guhaadiyo ololaha musharixiinta loolamaysa.

Waxa jira, mataano aan qun u wada dhalan, hadana, magac wadaajiyo oo walaalo ka dhigo. Dembi dhacay oo markhaati leh iyo mid aan dhicin sheegistii, waa kala lug, magacna waa wadaagaan oo waa laba dembi. Dembi dhacay, garsoor ka garnaquu u baahanyay oo sheegis laguma dhaafo, dembi aan dhicin sheegistiisuna,dembi bay dhashaa garsoor u baahan.

Midna waa dhacay, midna sheegis baa abuurta oo carrabkii yidhaa’ dembiile ku noqda. Labadaa dhexdooda dhaanto sharci mooyee, mid siyaasadeed ma taalo. Sidaa darteed, sheegis kasta oo aan cadayn lahayni waa waxyeelo loola badheedhay dhaadashada guud ee doorashada.

Qalinka: Muuse Faarax Jaambiir.