Ra’iisal Waasare Roobe oo Shir isugu yeedhay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Muqdisho (Aftahnnews)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inuu madaxda maamul goboleedyada ku marti-qaadayo inay ka soo qaybgalaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho 27-ka bishan June.

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku sheegay bartiisa twitter-ka in shirkaas la isku waraysan doono hawlihii ka qabsoomay arrimaha doorashaooyika tan iyo into la gaadhay heshiiska doorashada, 27-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Ra’iisal Wasaaruhu in laga hadli doono dardargelinta shaqooyinka hadhsan.

Heshiiska la gaadhay bishii hore, ayaa dhigayay in Ra’iisal Wasaaruhu uu lahaado doorka hoggaaminta doorashada iyo amnigeeda, taasi oo hore uu madaxwyenaha Soomaaliya ugu xil saaray.

Dhowaanna Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa ku dhowaaqay liiska kama dambaysta ah ee guddiyada isbeddelka lagu sameeyey ee doorashada heer federal iyo heer goboleed, kuwa beeelaha Somaliland, Banaadiriga iyo guddiga xallinta khilaafaadka.

Hehsiiska 27-kii May la gaadhay, ayaa dhigayay inay Soomaaliya doorashadu uga dhacdo muddo 60 maalmood gudahood ah.