Guddoomiye Cirro oo Xukuumada ku Eedeeyey in aanay ku Qanacsanayn Aqlabiyada Mucaaradka

Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxammed Cabdilahi (Cirro),ayaa sheegay in xukumadu anay ku qanacsanayn aqlabiyada isbahaysiga mucaaradka.

Guddoomiye Cirro
Guddoomiye Cirro

Guddoomiyaha ayaa yidhi” xukuumadu 30 keedi xildhibaana 52 ayay ka dhigaysa, 52 xildhibaan ee mucaaradkana 30 bay ka dhigaysa”.

Cirro ayaa ku andacooday in loobahanyahay in xukuumadu iimaansato qaybta ay doorashadi ka heshay.

“Xukuumadu waa in ay iimaansata aqlabiyadu halka ay martay” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Cirro ayaa sidookale sheegay in shacabku isbadal u codeeyeen isbadalkiina dhacay.

“Shacabku waxay u codeeyeen is badal, waxayna aqlabiyadoodi u codeeyeen 52 kaa xildhibaan oo kamid ah 82 xildhibaan ee golaha” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, oo haysta aqlabiyada golaha wakiilada, ayaa dadaal ugu jira sidi ay ugu guulaysan lahayeen shirgudoonka golaha.